Software Designer Neil Papworth Ayaa Ahaa Ninkii Ugu Horeeyey Ee Diray Text Massega, Kaasoo Uu U Diray Maamulihiisii
Mudo hadda laga joogo 20 sanadood Dec 1992 ayaa nin dhalinyaro ah oo u dhashay Uk magaciisana la oran jiray Neil Pabworth uu diray messaga kii ugu horeeyey, isagoo ka soo diray kambuyuutarkiisa una diray ninkii madaxda u ahaa shirkada mobilkiisii gacanta, waxuuna ku soo qoray erayga "Merry Chrismas".
text message-kii ugu horreeyey
Ninka ku takhasusay cilmiga Sofware-ka ayaa markuu diray message-kaas aan u fekereyn inuu noqon doono sida uu hada yahay,isagoo keliya qorshahiisu ahaa inuu keliya loo isticmaalo marka madaxda shirkadahu ay rabaan inay isu yimaadan iyo in shaqaalha loogu sheego waxay qabanayaan maalintaas,mudo yarna soo bandhigay fariimaha mobile to mobile haday leeyihiin muraayada wax laga akhriyo.
Neil oo ahaa 22 jir bartayna cilmiga Sofware Engneer una shaqaynaayey waqtigaas shirkad british Vodafone ah ayaa waxuu isku mashquuliyey si uu u helo fariimo laysugu diri karo mobileka gacanta marka laba qof ay haystaan laba telephone oo isku shirkad ah, ilaa 7dii sanadood ee hore waxaa keliya isu diri jirey dadka isku shirkad ka wada tirsan laakiin sanadkii 1999 ayaa Technologyadii kor loo sii qaaday ilaa la helay in telephone kasta iyo shirkad kasta aad u diri karto fariin.
Neil Pobworth oo ku takhasusay cilmiga Sofware engineer ka ayaa markuu diray messagekaas aan u fekereyn inuu noqon doono mid sida uu hada yahay ah ,isagoo keliya qorshahiisu ahaa inuu keliya loo isticmaalo marka madaxda shirkadahu ay rabaan inay isu yimaadan iyo in shaqaalaha loogu sheego waxay qabanayaan maalintaas.