www.alldhooftinle.com
AllDhooftinle.com

Qabri Inani Ka Dul Ooyeyso
Bani-Jacfarland National Anthem
Heesta Calanka Ugaaslabe (Bani-Jacfarland National Anthem)
Daawasho Wacan

Gabayga Ugaaslabaha
(Bani-Jacfarland National Poem)   Sii Akhri

WAQTIGA SOMALIA

Bani-Jacfarland National Xadro
Xadrada Calanka Ugaaslabe (Bani-Jacfarland National Xadro)
Daawasho Wacan
Garadag, Nov 30, 2010 (AllDhooftinle.com)

TAARIIKHAHA MUHIIMKA AH EE SOOMAALIYA - DAGAALKII 1977 EE XORREYNTA SOOMALI-GALBEED

Ummadda Soomaaliyeed waxay soo martay marxalado badan oo kala duwan iyo dhacdooyin badan oo taariikhi ah. Dhacdooyinkaas taariikhiga ah ayaa waxaa ka mid ah kuwo ummadda Soomaaliyeed baal dahab ah ugu jira oo aan marnaba la hilmaami karin, uuna leeyahay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, sidaas darteedna ay tahay in uu barto, ilaaliyo islamarkaasna uu sii gudbiyo oo sidii asagaba loo soo gaarsiiyay uu markiisa u gaarsiiyo jiilalka danbe, oo ay lagama maarmaan tahay in ay helaan taariikhdooda oo dhab ah.

Waxaa ayaandarro ah in ay jiraan kooxo isbahaystay oo ay ujeedadoodu tahay in ay khaldaan ama marinhabaabiyaan taariikhda Soomaaliyeed, gaar ahaan taariikhdii dawladdii kacaankii 21 Oktoobar ee ay ciidamadu hoggaaminayeen. Taariikhaha muhiimka ah ee laga beensheegayo ayaa waxaa ka mid ah taariikhdii dagaalkii gobonimodoonka ahaa oo ummadda Soomaaliyeed ay wadajirka ula gashay dalka Itoobiya sanadihii 1977 -1978, lana magac baxay ?Dagaalkii 77?. Dagaalkaas taariikhiga ah oo dhulka Soomaali Galbeed looga xoraynayay gumaystaha Itoobiya oo ay gumaysteyaalkii kale ee reer yurub hadiyadda u siiyeen xilliyo hore oo kala duwan.

Dagaalkii 77 ma ahayn dagaalkii ugu horeeyay ee dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya ee waxaa jira dagaallo kale oo dhex maray labada qowmiyadood (Soomaaliya iyo Itoobiya) oo ay ka dhexayso colaad soo jireen ah oo ku salaysan diinta, dhulka iyo loolan awoodeedba.

Kooxaha isku bahaystay marin habaabinta taariikhaha muhiimka ah ee ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay soo diyaariyeen sheekobaraleey aan sal iyo raad toona lahayn, xaqiiqdana aad uga fog. Kooxahaas ayaa waxay faafinta beentooda haatan u adeegsadaan qaar ka mid ah shabakadaha ama web-site-yada Soomaalida. Waxayse horraantii u samaysteen telefishan maxali ahaa oo la oran jiray RAAD. Ka dib markii uu socon waayay ee uu telefishinkaasi xirmayna waxay u leexdeen oo ay adeegsadaan laanta Afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC-da iyo telefishanka Af-Soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL iyo web-site-yadaba. Kooxahaas ayaa sheekobaraleydooda ugu magac daray ?TAARIIKHDA SOOMAALIYA?. Waxaana garwadeen ka ah Wariye Axmed Xasan Cawke iyo Wariye Aadan Nuux Dhuule.

Kooxdaan u guntaday ka beensheegidda iyo marin habaabinta Taariikhda Soomaaliya ayaa taariikhaha ay doonayaan in ay jahawareer ka galiyaan ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah taariikhda dagaalkii 77 kaas oo ay ogyihiin in uu ummadda Soomaaliyeed baal dahab ah ugu jiro. Dagaalkaas gobonimodoonka ahaa oo ay doonayaan in ay ummadda Soomaaliyeed u tusaan in uu ahaa mid khaldanaa oo Soomaalida lagu waxyeelaynayay.

Shakhsiyaadka ay kooxdaani waraysteen ayaa waxaa ka mid ah Gen Maxamed Nuur Galaal iyo Gen Cabdiraxmaan Warsame Cilmi ?Caarre? oo labaduba ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ciidamada Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dagaalkii Itoobiyaanka lala galay islamarkaasna kala ahaa taliyeyaashii labadii aag ee Jigjiga iyo Dirirdhaba iyo nin sheegtay in uu xilligaas Taliye Urur ahaa, magaciisana ku sheegay in la yiraahdo Caaqil.

Waxay labada nin ee danbe, waa Caarre iyo Caaqile, isku raaceen in askar tira badan oo ka mid ahaa ciidanka Soomaaliya lagu laayay magaalada Jigjiga xilligii uu dagaalku socday. Waxay kale oo sheegeen in dadkaas la laayay ay ahaayeen askartii ciidanka ugu wanaagsanayd oo ayaga madaxda ahaa lagu amray in ay ciidanka ka soo dhex xulaan, si loo dallacsiiyo, markii ay soo xuleenna lagu xasuuqay magaalada Jigjiga. Laakiin waxay isku khilaafeen in Gen Caarre uu yiri ?Madaxdii ciidamada iyo madaxdii dalka ayaa amarkaas bixiyay, aniga ayaana aagga Taliye ka ahaa.?, halka Caaqilna uu sheegayo in uu aagga Taliye ka ahaa Col Maxamuud Sheekh Cismaan ?Cirro?, amarka askarta lagu laayayna uu asagu bixiyay.

Labada nin ee horana, waa Gen Galaal iyo Gen Caarre ee, waxay isku raaceen in ujeedada dagaalku ay ahayd in ciidanka Soomaaliyeed lagu burburiyo ayaguna ay dawladdii uga digeen in dagaalka la qaado.

Haddaba waxaa la yaab leh in wariye Cawke uusan raggaan wax su?aal ah ka weydiin meelaha ay isku khilaafsan yihiin, si loo ogaado midkooda saxan iyo kan khaldan. Sidoo kale arrinta ku saabsan ragga la laayay kama aysan waraysan madaxdii ciidamada ee la dhigga ahaa Galaal iyo Caarre iyo kuwii ka sareeyay midna. Taas oo noo caddaynaysa in aan xaqiiqo doon la ahayn ee ujeeddooyin gaar ahi jiraan.

Ka dib markii aan ogaannay in duulaan lagu yahay taariikhda ummadda Soomaaliyeed oo koox yari ay iminka doonyso in ay qulub iyo jahowareer galiso taariikho ummadda Soomaaliyeed muhiim u ah ayaa waxaan go?aansannay in aan baaritaan ku samayno qaar ka mid ah taariikhaha la marin habaabinayo oo ay ugu horayso taariikda dagaalkii 77. Haddaba waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa dhacdooyin iyo arimo muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee akhris wanaagsan.
Xilkii Gen Caarre ee xilligii uu dagaalku Socday:
Gen Cabdiraxmaan Caarre wuxuu xilligii uu dagaalku socday ahaa Taliyihii Aagga Jigjiga ee ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas oo ah halka lagu laayay ciidkanka ay leeyihiin dalacsiin ayaa loo soo ururiyay, ka dibna waa la laayay.
Taliye Ku Xigeenkii Aagga Jigjiga:
Abbaanduulihii Aagga Jigjiga ee xilligii dagaalka ayaa waxaa ahaa Gen Axmed Warsame oo haddana wali nool.
Yaa amri karay Gen Cabdiraxmaan Caarre:
1) Wasiirkii Gaashaandhigga M Gen Maxamed Cali Samatar
2) Abbaanduulihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Maxamuud Geelle Yuusuf
3) Taliyihii Aagga Woqooyi Gen Yuusuf Axmed Salxaan.
4) Abbaanduulihii Aagga Woqooyi Gen Cabdullahi Cali Cumar
Masuuliyadd Darro iyo Waajibaad ka Carar:
Gen Caarre wuxuu sheegay in madaxdii ciidamada iyo kuwii dalka ay ku amreen in uu ragga ciidanka ugu fiican ay soo ururiyaan si loo dalacsiiyo, ka dibna la laayay. Arrintaan waxay dhalinaysaa su?aalo waaweyn oo ay tahay in jawaab rasmi ah loo helo, laakiin aan Caarre la weyndiin oo uu Cawke iska baal maray. Su?aalahaas ayaa waxaa ka mid ah:
1. Maxay tahay sababta raggii dallacaadda mutaystay loo laynayo?
Maxaa kalifay in ragga la dalacsiinayo furintii laga soo saaro? Sida caadiga ah ciidanka ama askarta waxaa la dalacsiiyaa ayagoo xeryahooda jooga, goob kasta oo ha ku sugnaadee. Waligeed wax nimankaan ka hor sheegaya dadka la dalacsiinayo ha la isu soo ururiyo lama maqal. Sidee nin Gen ciidan ah arrintaas shir ula yimid? Askarta marka la dalacsiinayo, ma in furinta la soo banneeyaa, waliba kuwii askarta ugu fiicnaa?

Marka la eego sida arrinta uu sheegay gen ruug caddaaga ahi u khilaafsan tahay ama uga hor imaanayso xeerka ciidanka iyo caqliga wanaagsan ayaa waxay caddaynaysaa in waxa uu generalku sheegay ay tahay been la soo diyaariyay oo xaqiiqada aad uga fog. Taas oo gef iyo xadgudub ku ah garashada dhagaystaha.
2. Sidee Gen Caarre u yeelay amar khaldan oo ah in uu 84 askari oo kuwii ciidankiisa ugu fiicnaa ah inta soo xulo uu haddana sabab la?aan u laayo? Haddii uu amarkaas qaatay ciddii doontaaba ha siisee soo danbiile cad ma aha? Marmarsiinyo ma u noqonaysaa madaxdii ciidanka iyo dalka ayaa amar igu siiyay? Miyuusan ahayn General masuul ka ah oo leh damiir iyo garasho uu wixii khaldan ama xun uu ku diido, xitaa haddii uu naftiisa ku waayayo? Mise arrinta ayaa sidaas ka duwanayd oo Gen-ka ayaa hadda u bareeray been iyo hagardaamaynta taariikhda ummadda Soomaaliyeed?
3. Maadaama uusan Gen Caarre Caddayn cidda uu amarka ka helay isla markaasna uu yahay madaxdii ciidanka iyo kuwii dalkaba wixii khalad ah oo dhacay asagu miyuusan ugu horrayn masuuladdeeda? Masuuliyadda uu hayay awgeed soo ma ahan sababta hadda wax loo weydiinayo? Haddii uusan xillkaas iyo darajadii qaranku siiyay lahayn miyaa maanta cidi wax weydiin lahayd?
4. BBC-da iyo wariye Axmed Xasan Cawke maxay ula xiriiri waayeen Abbaanduulihii Aagga Jigjiga Gen Axmed warsame iyo madaxdii kale oo markaas si toos ah amar u siin kartay Gen Caarre, kuwaas oo aan kor ku soo xusnay, kulligoodna jooga, si ay u xaqiijiyaan waxa uu sheegayo iyo waxa ka jira? Mise intaas inuu yiraahdo oo kaliya ayaaba qorshuhu ahaa?
5. Waxaa jiray Aagag kale oo ay ciidamadii Xoogga Dalku ka dagaalamayeen, Waqooyi oo kaliya ayaa waxaa ka jiray Saddex(3) Aag. Maxaa haddii ciidanka la iska xasuuqayay Aagagga kalena askarta loogu layn waayay? Sidoo kale BBC-du su?aashaan muhiimka ah Caarre iyo Caaqil midna ma aysan weydiin!! Sababtu waa maxay?
Col: Cirro iyo beenta uu sheegay ?Caaqil? oo sheegtay inuu taliye urur ahaa.
Col Cirro, wuxuu xilligii dagaalka ahaa Madaxii Taakulada ee aagga Waqooyi. Fadhidhigiisuna wuxuu ahaa magaalada Hargaysa. Taliye aagna waligiis ma noqon. Waxaa kale oo aan kor ku soo sheegnay Madaxdii Ciidankii Xoogga Dalka ee xilligaas amar siin kartay Taliyihii Aagga Jigjiga Gen Cabdiraxmaan Caarre iyo xilalkii ay madaxdaasi kale hayeen. Madaxdaas oo uusan Col Cirro ka mid ma ahayn. Arrimahaan ayaa kuligood caddeynaya in Caaqil uu BEEN HAWAAS yahay, taariikhdana uu ka been sheegay, ummadda Soomaaliyeedna meel uga dhacay. Waxaa kale oo aan la rumaysan karin in uu Caaqil ka mid ahaa ciidamadii xoogga ee aagga Jigjiga maadaama uusan kala aqoon xilalkii Gen Caarre iyo Col Cirro.

Ma Taliye urur aan aqoon Taliyihiisii Aagga ayaan war iyo Taariikh Soomaaliyeed ka dhagaysanaynaa?

Waxaas oo khalad iyo gefaf ah dan uma uusan galin wariye Cawke, taas oo ayaduna caddaynaysa in sheeko baraleydaan danno gaar ah laga lahaa oo aan taariikhda Soomaaliyeed iyo Soomaali midna loogu danaynay.

Haddaba miyaysan dhab ahayn in ay jirto koox isku bahaysatay ka beensheegidda iyo marin habaabinta Taariikhda ummadda Soomaaliyeed? Taariikhda dhabta ah miyaase koox yari khaldi kartaa?
Ujeedadii Dagaalkii 77:
Labada General, waa Gen Galaal iyo Gen Caarree, waxay isku raaceen in ujeedada dagaalku ahayd in ciidankii Soomaaliyeed lagu burburiyo ayaguna ay dawladdii uga digeen in dagaalkaas la qaado.

Go?aankii dagaalka lagu galay waxaa ansixiyay goleyaashii distuuriga ahaa ee dalka sida (Golihii Wasiirrada, Golihii dhexe iyo golihii shacabka) taasna waxaa horay u caddeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cumar Salaad Cilmi iyo Cabdullaahi Maxamuud Xasan, kuwaas oo waraysiyadoodii BBC-da una duuban yahay horayna looga soo daayay.

Xukuumaddii kacaanka ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd mid jiritaankeeda uu sal u ahaa ciidankii xoogga dalka. Waxayna bilow ilaa dhammaadkeedii ku tiirsanayd awoodda ciidamada qalabka sida oo ay markii horeba xukunka kula wareegtay. Caarre iyo Galaal waxay sheegeen in ujeeddada dagaalku ay ahayd in lagu burburiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Haddaba akhristow, arrintaas run ma loo qaadan karaa? Waxaa isweydiin leh xukuumaddu maxay isku halaynaysay haddii ay burburiso ciidankii XDS (Xoogga Dalka Soomaaliyeed) oo jiritaankeedaba salka u ahaa? Soo wax lala yaabo ma ahan in rag Generallo ah ay waxaas ku sheekeeyaan!!!

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre asaga oo 18 sano jira ayuu ciidan noqday. Wuxuuna ku gaaray ilaa heer uu madaxweyne uga noqdo dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo la wada og yahay in Maxamed Siyaad Barre uu ahaa ninkii dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed islamarkaasna uu gaarsiiyay horumarka iyo magaca uu ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaaray. Taasina waxay muujinaysaa in ujeedada dagaalkii 77 aysan sinaba u noqon karin in lagu burburiyo ciidamadii Soomaaliyeed balse ay ahayd oo kali ah in gumaysiga laga xoreeyo dhulka iyo dadka Soomaali Galbeed. Haddiise tooda loo raaco; Marka ciidanku burburo M S Barre muxu isku halaynayay? Muxuuse ka helayay burburka ciidanka Soomaaliyeed?

Sidaas darteed ayaa labada General aysan uga run sheegin ujeedadii dagaalka iyo taariikhda Soomaaliyeedba. Danta gaarka ah oo ay arrintaas ka leeyihiin ayaga iyo wariyeyaasha soo xushayba ayaa ah kala qaybinta iyo kala goynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Hase ahaatee taariikhdu waa mid sugan oo an la marin habaabin karin qof kasta oo xaqiiqo doon ahna uu heli karo xog ogaal daacad ah oo wixii la soo maray ka runsheegaya.
Fashilaaddii Galaal Ee Dirirdha Iyo Xilligii Dagaalkii 77:
Marka laga hadlayo Taariikhda dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee sanadihii 1977 ? 1978 ayaa waxaa jira dhacdooyin badan oo taariikhi ah oo aan aad looga hadlin, kuwo kale oo badanna si ku talogal ah looga been sheego, sida dhacdada Jigjiga oo aan kor uga soo hadalnay oo ka mid ah taariikhaha aad loo marin habaabinayo.

Dagaalkii ay Soomaalidu la gashay Itoobiya ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu xoreeyo dhulka Soomaali Galbeed. Dhulka Soomaalida ee maqan oo dagaalka loo galay ayaa waxay xudduuddiisu ku eg tahay magaalada Hawaash.

Haddaba waxaa la wada og yahay in Soomaalidu ay yoolkeedii dagaalka gaartay ayna gacanta ku dhigtay inta badan dhulkeedii maqnaa. Waxaana goobihii ugu danbeeyay ee la qabsaday ka mid ahaa magaalo madaxda labaad ee Itoobiya ee Dirirdhabe.

Dagaalku kama socon oo kali ah furimaha ay ciidamadu isku arkayeen ee waxaa sidoo kale barbar socday dagaal kale oo dhanka siyaasadda caalamiga ah. Loolankaas dhanka siyaasadda ah ayaa waxaa ka mid ahaa hesiish ama qorshe dhexdhexaadin ahaa oo ay garwadeen ka ahayd dawladdii Midowgii Soviet. Heshiiskaas oo ku saabsanaa in Soomaalida dhulkeeda ay dib u qabsatay loo ogolaado, soohdintana dib loo xarriiqo, sidaasna heshiis lagu galo dagaalkana lagu soo afmeero. Arrintaasna Itoobiya wax badan kama aysan qabin, maadaama dagaalkii looga adkaaday ayna si aad ah u qab jabtay.

Ciidankii Soomaalida ee gacanta ku dhigay magaalo madaxda labaad ee Itoobiya ayaa waxaa hoggaaminayay Gen Maxamed Nuur Galaal oo ahaa Taliyaha Aagga Dirirdhaba.

Dagaallo aad u kharaar oo in muddo ah socday ayaa labada ciidan ku dhex maray nawaaxiga Dirirdhaba, waxaana Gen Galaal ku adkaatay in uu magaaladaas qabsado. Arrintaas darteed ayaa AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u tagay goobtii dagaalka ee Aagga Dirirdhabe, sida uu sheegtay gen Galaal, si xal loogu helo caqabadihii hortaagnaa Gen Galaal iyo ciidankiisii.

Gen Galaal ayaa wuxuu sheegay in uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u soo jeediyay in ciidamadii Aagga Baali ee dhinaca koofur galbeed, Taliye Aagna uu u ahaa Col Cabdullahi Yusuf, la soo dhaqaajiyo oo Itoobiyaanka dhinacaas laga soo cadaadiyo si uu culaysku uga yaraado ciidanka galaal ee Aagga Dirirdhabe, sidaasna magaalada lagu qabto. Gen Galaal ayaa wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Maxamed Siyaad uu ugu jawaabay ?Ma waxaad doonaysaa in cid aan aniga ahayn loogu yeero Guulwade??, taladiina wuu iga diiday ayuu yiri Gen Galaal.

Dhawr qodob oo kala duwan ayaa waxay muujinayaan in hadalka Gen Galaal uusan run ahayn, waxaana qodobadaas ka mid ah:
1. Waraysi uu Col Cabdullahi Yusuf telefishanka Universal, siiyay sanadkii hore ee 2009-ka wuxuu ku caddeeyay in Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu amar ku siiyay in ciidamadii koofur galbeed ee Aagga Baali oo uu hoggaaminayay Col Cabdullahi Yusuf uu soo dhaqaajiyo oo uu qaado waddo uu Maxamed Siyaad horay u maray wakhtigii uu askarta Ingriiska ka tirsanaa oo uu tilmaanteeda iyo meelaha ay martaba si fiican ugu sheegay. Arrintaas uu sheegay Col Cabdullahi Yusuf waxay beeninaysaa in Maxamed Siyaad uu Gen Galaal ka diiday in ciidamadii Aagga Baali la soo dhaqaajiyo. ?Waa haddiiba uu taladaas soo jeediyaye?!?
2. Maxay tahay sababta uu Maxamed Siyaad Galaal ugu sheegayo waxa asaga calooshiisa ku jira? Muxuuse ka faa?iidayaa in uu yiraahdo ?Ma waxaad rabtaa in Maxamed aan aniga ahayn loogu yeero Guulwade??. Dadka Soomaaliyeed oo Maxamed Siyaad yaqaanna Galaal oo kaliya ma ahan, waxaana la isku raacsan yahay in madaxweyne Maxamed Siyaad uu ahaa nin aad u caqli badnaa, waayo aragna ahaa. Hadalladaas raqiiska ah oo kalena aysan ka suuroobin ee ay tahay yihiin been abuur uu Galaal sameeyay, asaga oo isku dayaya in uu ka baxsado ceebtii, fashilkii iyo khasaarihii dagaalkii Dirirdhabe ee uu Soomaalida uga soo jiiday (Hoos ka akhri fadeexaddaas) .
3. Markii ciidamadii Soomaalidu ugu danbayntii ay gacanta gu dhigeen magaalo madaxdii labaad ee Itoobiya ee Dirirdhabe ayaa waxay ahay wakhti galab ah oo ay qorraxdu sii dhacaysay. Ciidankii Gaaska Sagaalaad ee Itoobiyaanka oo dagaalkii looga awood roonaaday ayaa xoogaa ka hor kolonyo u galay dhanka wadada Adis Ababa magaalo madaxdii labaadna isga huleelay. Markii ay ciidamada Soomaalidu muddo saacad ka ayar ay magaaladii haysteen, wax ciidan Itoobiyaan ah iyo wax dagaal ah oo markaas ku socdaana uusan jirin ayaa Gen Maxamed Nuur Galaal ciidamadii ku amray in ay dib u soo noqdaan.

Dib u celintii ciidamada ee Galaal ayaa waxaa ka war helay ciidamaddii Itoobiyaanka ee baqaha sii ahaa. Ka dibna ciidankoodii baqada ahaa ayay inta joojiyeen oo dib isugu soo abaabuleen ayay magaaladii oo cidla ah dib ugu soo noqdeen, dibna u qabsadeen.

Markii Gen Galaal la weydiiyay sababta kaliftay in uu amarkaas biyo ayaa wuxuu ku andacooday in rasaasta, shidaalka iyo raashinkii ciidankuba ay ka sii dhamaanayeen oo uu sugi waayay taakulo habeennimadiiba soo gaari lahayd!!!

Waxaa wax aad loola yaabo ah in ninka magaalo madaxdii labaad ee dal dhan qabsaday uu shidaal iyo raashin baan waayay yiraahdo! Aaway saadkii ciidamadii dagaalka looga adkaaday ee magaalada laga qabsaday oo isugu jiray Rasaas, hub, shidaal iyo raashinba. Magaalada caasimadda labaad ah Galaal ma ka waayay Shidaal iyo Raashin uu taakuladiisa ku sii gaaro ama uu ku sii sugo? Mase sugu waayay taakulada soo gaari lahayd saacado gudahood?

Saraakiisha aan waraystay qaarkood waxay i sheegeen in Gen Galaal aad loogu tuunsanaa in uu dagaalkii 77 ka horba ahaa basaas oo uu Itoobiyaanka la shaqayn jiray. Taas oo aad loo rumaysan karo marka la eego sida uu dagaalka u fashiliyay iyo xiriirka aan qarsoodiga ahayn ee haddeer Itoobiya la leeyahay asagoo sheeganaya in uu ka mid yahay culumaa'u diinka Ahlu.

Fadeexaddaas uu Galaal sameeyay waxay keentay in aan magaaladii Dirirdhabe dib danbe loo qabsan iyo niyad jab xoog leh oo ciidankii Soomaalida ku yimid. Hase ahaate xaaladdii markaas jirtay awgeed ayay dawladdii kacaanku door bidday in aan Gen Galaal la horkeenin maxkamaddii Ciidamada qalabka sida oo ay hubaal ahayd in ay dil toogasho ah ku ridi lahayd, haddii la hor keeno.

Markaas ayaana Galaal laga dhex saaray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu wareejiyay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.
Guuldarradii Dirirdhabe waxay sidoo kale fashilisay dagaalkii dhanka siyaasadda iyo dhedhexaadintii uu Soviet-ku waday oo ahayd in Soomaalida dhulkeedii loo saxiixo. Iyo in ciidamadii Itoobiyaanku ay markii ugu horaysay dhiiranaan iyo niyad dagaal la yimaadaan.

Waxay saraakiil xog ogaal ahaa ii sheegeen in AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad uu aad u dhibsan jiray in meel uu joogo lagu soo qaado magaca Galaal oo uu hubay inuu yahay in uu wadanka khiyaamay, ciidankana dagaalka ku dhabar jabiyay.

Waxaa hubaal ah in Gen Galaal uusan arrintaas moogayn sidaas darteedna uu geed dheer iyo mid gaabanba u galayo sidii uu u kharibi lahaa taariikhdii dagaalkii 77-kii iyo tii dawladdii kacaankaba si uu uga galgasho taariikh-xumada uu dagaalkaas ku kasbaday iyo guuldarradii iyo dhabarjabbkii uu u soo jiiday ummadda Soomaaliyeed oo dhan.
Waxaa kale oo la wada ogyahay in Gen Galaal uu si foolxun uga qaybqaatay dagaalladii qabiilka oo lagu xasuuqay dad badan oo aan waxba galabsan. Waxaana jira ragg masuuliyiin Soomaaliyeed ahaa oo uu asagu amray in la laayo, kuwaas oo uu ka mid ahaa Prof Abyan iyo rag kale oo mucaarad ku ahaa dawladdii kacaanka.

Haddaba Akhristow Gen Maxamed Nuur Galaal ma mudan yahay in laga waraysto taariikh ay leedahay ummadda Soomaaliyeed?
Maxay ahayd Sababtii Magaalada JigJiga Ciidanka Loogu Laayay Xilligii Dagaalkii 77?
Markii aan samaynay baaritaan ku saabsan in ay jiraan ragg ciidan ahaa oo lagu laayay magaalada Jigjiga xilligii uu socday dagaalkii 77 iyo sababtii kaliftay in ayadoo dagaal lagu jiro la laayo ciidan ay dadka qaarkii ku sheegayaan inay ahaayeen raggii ciidamada ugu qiimaha badnaa oo la yiri waa la dalacsiinayaa ayaa waxaan rag kala duwan oo ka mid ahaa ciidamadii xilligaas ju sugnaa magaalada Jigjiga iyo kuwo kale oo xog ogaal ahaaba ay noo sheegeen in raggaas la toogtay oo ciidanka ka mid ahaa lagu toogtay si sharci ah, islamarkaasna ay xukuntay Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.
Sababtu Maxay Ahayd?
Waxaa jirtay in markii ay ciidamadii Soomaalidu qabsadeen magaalada Jigjiga oo ay ciidamadii cadowguna aysan fogayn ee la isku hayay goobihii uu dagaalku ka socday oo markaas ahaa buurta Kaaraamardha oo magaalada Jigjiga dusheeda ah.

Waxaa dhacday in tiro aad u badan oo ka mid ahaa ciidankii Soomaalidu ay ka soo baxsan jireen furinta oo ay ayaga oo hubkoodii wata dharkii ciidankana qaba magaalada ku soo laaban jireen. Ciidamadaas oo aad u tirobadnaa ayaa magaaladii aad u wareeriyay dhibaatooyin bandanna ka gaystay. Waxaa adkaatay in ciidankaas magaalada laga saaro oo lagu celiyo colalkoodii oo ay ka qayb qaataan jihaadkii lagu jiray. Dhaqanxumo baahsan oo isugu jirtay, dil, kufsi, khamro iyo sakhraan, dhac iyo qaar kaloo bandanna, si joogto ah ayay magaalada dhexdeeda uga samayn jireen. Waxaana faraha ka baxay sugitaankii ammaanka iyo xasilloonidii magaalada oo uu markaas ka jiray maamul goboleed Soomaaliyeed, calankii Soomaaliyana uu ka surnaa.

Ayadoo ay aad u adkaatay xal u heliddii ciidamadaas furinta ka soo goosanayay oo magaalada dib ugu soo noqonayay, ayaa waxaa Jigjiga yimid Sarreeye Guud(SG) Maxamed Cali Samatar oo markaas ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo madax kale oo gaashaandhigga ka socday.

Markii uu SG Maxamed Cali Samatar arkay sida ay xaaladdu u qasan tahay warbixinta Aaggana uu Gen Caarre iyo saraakiishii kale ee Aagga ka qaatay ayuu Makamaddii Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed oo ay markaas xarunteedu Afisiyooni ahayd ku amray in ay si deg deg ah Jigjiga u timaaddo, si sharci ahna wax uga qabato mashaakilkii maarada loo waayay ee ka aloosnaa magaalada Jigjiga.

Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed oo Guddoomiye iyo Xeer Illaliyaba lahayd ayaa maalmo ka dib soo gaartay magaaladii Jigjiga oo uu qasku ka taagnaa.

Markaas ayaa baabuur ay cod-baahiyeyaal waaweyni saranyihiin magaalada lagula wareegay , labo maalmood oo isku xigta ayaana ciidamadii magaalada ku jiray loo sheegayay in ay magaalada ka baxaan oo ay ku noqdaan ciidamadii ay ka tirsanaayeen. Waxaa ciidamadii magaalada ku jiray loo qabtay muddo labo maalmood ah in ay magaalada uga baxaan, qofkii muddadaas labada maalmood ah uga bixi waaya magaaladana la soo hortaagi doono maxkadda ciidamada ee xilliga dagaalka oo markaas magaalada joogtay.

Ciidamo aad u badan ayaa muddadii labada maalmood ahayd ee loo qabtay uga baxay magaaladii, waxaana loo diyaariyay ciidamo iyo saraakiil ciidamadaas gaarsiiya colalkii ay ka tirsanaayeen oo ku urursanaa xeradii la dhihi jiray Birgade-ka.

Maalintii saddexaad ayaa kuwii aan amarka raacin ee aan magaalada ka bixin la isu soo ururiyay oo maxkamaddii dagaalka la soo hor taagay. Maxkamaddiina waxay dhammaantood ku xukuntay dil toogasho ah ayadoo loo cuskaday ?Xeerka dagaalka iyo Ammar diido goob dagaal?. Sidaas ayaana raggaas lagu toogtay.

Wasiirkii Gaashaandhiggu wali wuxuu ku sugnaa magaalada Jigjiga marka ay maxkamaddu xukunka ridaysay iyo markii xukunka la fulinayayba.

Ujeeddada xukunka iyo fulintiisa ayaa ahayd:
1. In la ilaaliyo xuquuqda dadka iyo magaalooyinkii ay Soomaalidu qabsatay oo muddo badan gumaysi ku jiray Soomaalidana aad ugu faraxsanaa imaanshahooda, soona dhaweeyay.
2. In nidaamka, kala danbaynta iyo anshaxa ciidamadu aysan lumin. Taas oo haddii ay dhacdo uu ciidankuna burburi lahaa dagaalkana lagu jabi lahaa.
3. Iyo qodobka ugu muhiimsan oo ahaa in ciidamadu aysan furinta soo bannayn oo kuligood magaalada isku soo shubin. Taas oo haddii ay dhacdo ay dhiman lahaayeen kumannaan ciidankii Soomaalida ah.
Ragg saraakiil XDS ahaa oo kala duwan oo arrintaan aad xog ogaal ugu ah ayaa waxay ii sheegeen in xukunkaasi uu aad wax u taray, markaas ka dibna ay joogsadeen ciidamadii furinta ka soo baxsanayay, islamarkaasna ay dib u soo noqotay kala danbayntii iyo anshaxii ciidanka lagama maarmaanka u ahaa.

Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida Ee Xukunka Ridday Iyo Xubnihii Ugu Sareeyay.Col Cismaan Maye Gudoomiye
Col Yuusuf Muuse Xeer Ilaaliye
Gunaanad:
Waxaan oran lahayn maadaama taariikhda gobonimodoonka Soomaaliyeed ay tahay mid ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed islamarkaasna uu halgankii yahay mid wali socda, soconna doona ilaa laga xoreeyo dhulka Soomaali Galbeed ay lagama maarmaan tahay in cid kasta oo arrimaha dagaalkii taariikhiga ahaa ee 77 u dhuun daloosha, xog ogaal ka ah amaba ka qayb qaadatay ay ka qayb gasho ka run sheegidda arrintaan lagu marin habaabinayo taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Taas oo haddii la waayo ay dhici karto in la khaldo jiilalka danbe ee aan ayagu waxba kala socon taariikhahaas muhiimka ah, taas oo noqonaysa dhagar iyo dulmi aan jiilalka danbe ka galayno, ayaguna ay nagu haaraami doonaan.

Dardaaran:
Akhristeyaasha, Aqoonyahanka, xog-ogaalka iyo madaxdii qarankii Soomaaliyeedba waxaan u soo jeedinaynaa in ay gil-gishaan, una istaagaan sidii loo soo gudbin lahaa taariikhaha dhabta ah oo ay ummadda Soomaaliyeed leedahay.

Barnaamijkaani waa qaybtii ugu horaysay ee barnaamij taxane ah oo aan ku eegi doonno qaybo ka mid ah taariikhaha Soomaaliya iyo waxyaabo warbaahinta laga
siidaayay oo mudan in la xaqiijiyo.
Haddii aad haysto wax faahfaahin ah oo ku saabsan arrimaha aan uga hadalnay qormadaan iyo wixii su?aal ama fikrad ah fadlan noogu soo hagaaji E-mail-ka ah mr_dinix@hotmail.com.


Tixraac (Referance)
Saraakiil Sare XDS ka mid ahaa iyo waraysiyo BBC, Universal TV.
- S G Maxamed Cali Samatar (Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligii Dagaalka)
- Gen Maxamuud Geelle Yuusuf (Abbaanduulihii XDS ee xilligii dagaalka)
- Dr Cabdulqaasim Salaad Xasan (Go?aankii dagaalka ee Golihii Wasiirrada, Golihii Dhexe iyo Golihii Shacbiga)
- Lanta Afka Soomaaliga ee BBC-da (Waraysiyo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Caarre, Galaal)
- Gen Axmed Warsame (Abbaanduulihii Agga Jigjiga ee xilligii dagaalka)
-Gen Cabdinaasir Xaaji Xaashi(Aagga Dirirdhabe iyo dagaalkii 77)
- Col Cabdicasiis Sh. Cabdisalaan Aw-Maxamuud".
- Col Cabdi Cismaan Nuur (Xog ogaal Aagga Jigjiga iyo dagaalkii 77)
- Universal TV (Waraysiga Col Cabdullahi Yusuf).



Eng Shire Cabdisamad Jaamac
mr_Dinix@hotmail.com