Calanka Ugaaslabe
Australia, 6 Oct 2012 (Alldhooftinle.com)

Sidii Baarlamaanka Sanaag Bari Loogu Qaybiyey Muqdisho Waxay Ahayd Si Cadaalad Ah, Suldaan Siciid Suldaan C/Salaanna Si Diirran Ayaanu Ugu Hambalyaynaynaa.


Calanka Ugaaslabe

Aniga oo ku hadlaya magaca Jaaliyada Beesha Ugaaslabe ee New Zealand iyo Australia waxaan salaan iyo taageero buuxda u diraynaa, uguna duceyneynaa in xilkaa ay qaadeen Ilaahay u fududeeyo 5ta xildhibaan ee Reer Maakhir oo dhan. Waxaanu ku rajo weynahay iney noqdaan kuwii mandaqada u soo faa'iideeya.

Beryahan danbe waxaa ka socday Mandaqada Sanaag Bari shirar hoose oo dhamaantood ahaa xanaaq ka dhashay xubinta Ugaaslabe laga siiyey Baarlamaanka Somaliyeed.

Waxaa haboon in caqligu taliyo, markani maaha markii ugu horreysey ee Xubnaha Mandaqadda Ugaaslabuhu uu ka dhex muuqdo. Waxa mudan in marka hore la ogaado in Shirkii Carta, Jabuuti lagu wada siiyey 5ta xubnood Ugaaslabe iyo Warsengali oo isku deegaan ah, innaguna waa teynu iimaansaney sidaa.

Mucaaradku waa iney dib ugu noqdaan taariikhdii iyo dhaqankii mandaqada.

Sida Somaali oo dhan wada ogtahay Ugaaslabe iyo Warsengeli waa labo beelood oo wada deggan, waxa kale oo Soomaali oo dhan wada ogtahay Ugaaslabe iyo Maxamed Naalaye inay xidhiidh gaar ah leeyihiin, taasna maanta cidna la bari maayo.



Mussa Cali Barmiil, mbarmil2@yahoo.co.nz
(Gudoomiyaha Beesha Ugaaslabe ee New Zealand iyo Australia)



AllDhooftinle.com