Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Calanka Ugaaslabe
Hargeysa, 6 Feb 2015 (Alldhooftinle.com)
Nin wejiga iska kharibay si uu ugu ekaado waxaan macno lahayn.

Haddii aad la yaabi jirtey niman jeegada xiirta ama surwaalku ka dhacayo si ay dad kale ugu ekaadaan, waxaa jira wax kasii daran. 37 jir reer Venesuela ah oo la yiraahdo Henry Damon ayaa wajigiisa ku sameeyey sagaal qaliin iyadoo qaliino kalena u hadheen, si uu ugu ekaado Super Villain oo ah filimada caruurta iyo dhalinyaradu daawadaan.

Henry oo wejiga ama fooda qaliimo loogu sameeyey isla markaana wax loo geliyey, ayaa laga gooyey sanka intiisa hore, waxaa kaloo loo kuusay oo wax loo geliyey suuniyaha.

Ninkan 40jirka ah ayaa sheegay inuu maray qaliimo xanuun badan, isla markaana wixii uu shaqaystayba uu ku bixiyey arinta uu jecel yahay ee ah inuu Super Villain u ekaado.

Ninkan oo ah xaasle laba caruura dhalay, isla markaana ku nool magaalada Caracas ee dalka Venesuela ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in daamanka iyo dhegaha loo ekeysiiyo kuwa Super Villain, wax kastoo dhib ah oo ka hor yimaadana ha noqoto mid dhaqaale ama mid xanuun uu jilibka u dhigi doono.


Shiikh Isxaaq AlBaqdaadi
isxaaq@alldhooftinle.com