Ceerigaabo, 24 AUG 2012
(AllDhooftinle.com)
Ma Og Tahay In Nin Pepsi Uu Kabaday Hal Mar Ku Waayey Malaayiin Doolar?
Aduunyadan wax walba waad maqlaysaa. Ka warama nin hal mar oo uu kabaday daasad Pepsi ah ku waayey lacag ka badan Milyan iyo badh doolar. Ronaldinho oo ah ciyaartooy caan ah oo u dhashay Brazil ayaa qandaraas xayaysiis ah kula jirey shirkada Coca Cola kaasoo qiimihiisu ahaa 760 kun oo doolar sanadkii. Laakiin bishii ina dhaaftay ayaa Ronaldinho oo saxaafada u warameyey wuxuu kabaday daasad pepsi ah oo hortiisa taalay. Coca Cola iyo Pepsi Cola waxaa ka dhexeysa colaad guun ah. Sidaa darteed arintaasi waxay ka caraysiisey Coca Cola oo markiiba kansal garaysay heshiiskii ay kula jireen Ronaldinho.
Heshiiskan oo ahaa laba sanadood, ayaa wuxuu ka dhigayaa khasaaraha Ronaldinho soo gaadhay 1.52 milyan doolar. Ciyaartooygan oo sanadkan uu ku noqday mid aan u wanaagsanayn, kadib markii dhowr kooxood ay is dhaafiyeen ugu danbayna ku noqday dalkiisa iyadoo weliba kooxda uu hada u ciyaaro ka fekereyso inay iyana joojiyaan heshiiska ay kula jiraan, sababo dabeecadihiisa la xiriira darteed.
Warkaa oo oo ingiriisi ah halkan ka akhriso:
http://msn.foxsports.com/foxsoccer/latinamerica/story/Ronaldinho-reportedly-sips-from-Pepsi-can-loses-750K-Coca-Cola-deal-071012
Weriye, Reexaana Shiikh Aljacfari
Reexaana@alldhooftinle.com

|