Calanka Ugaaslabe
Badhan, 14 Nov 2012 (Alldhooftinle.com)
Soomaliland Oo Ku Soo Xoogeysaneysa Sanaag Bari Iyo Puntland Oo Ku Xoogeysaneysa Jubbaland.
Laasqoray

Guutooyin ka tirsan Ciidamada Milatariga Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Laasqoray. kuwaasi oo Xukuumadu uugu tallo gashay inay halkaasi u dagaan hawlo amaanka la xidhiidha, iyadoo ay dhawaanahana magaaldaasi ay soo galayeen ciidamo ka tirsad maamulka Puntland. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka anbo baxeen Magaalada Hargaysa isla markaana ay xukuumadu dajisay Magaalada Laas caanood si xuduuda Somaliland ay u sugaan sidoo kale Odoyaasha dhaqanya ayaa iyaguna halkaasi ka bilaabay wacyi galin si ay doorashadu uuga dhacdo deegaamadaasi.

Maayarka degmadda Laaqoray Maxamed Hayaan Caarshe, oo isagu warbaahinta uuga waramay xaalada magaalada ayaa sheegay in bulshada reer Laasqoray ka tirasan yihiin xukuumada Somaliland isla markaan ay ku hawlan yihiin inay ka shaqeeyaan hawlaha abniga ee dalka. Waxaana kamid ahaa hadaladiisii "Xaaladda degmadu aad iyo aad ayay u fiican tahay, imikana waxa ka socda dardar-galinta maamulka, cashuurihii laga qaadi lahaa doonyaha ka yimaada dalka Yemena waanu bilownay"

Sidoo kale Maayirka magaaladu isaga oo hadalkiisa sii wata wax uu sheegay meelaha uu ku tiirsanyahay dhaqaalaha magaalada Laasqoray iyo maamulkiisa hada waxa uu qabtay iyo waxyaalaha u qorsheysa waa kan markale isaga oo aarimahaasi ka waramaaya "Magaaladda dhaqaale kale ma soo gallo oo aan kaluumaysiga ahayn, markaa dhalinyaro badan oo laashashka kaluunka lagu soo guro ayay ku shaqeystaan, warshadii kaluunka ee shacabka Laasqoray samaysteen markii dawladii Somaliya burburtayna way shaqeysaa Anagu maamul cusub ayaanu ahayn oo dhawaan ayaanu xilka la wareegnay, markii horena degmadda ciidamadda Qaranka iyo booliska ayaa ku yaraa, laakiin imika ayaa guuto ciidamadda Milatariga ah la soo dejiyey oo hawlahoodii loo soo habeeyay oo maalin dhawayd ayay Hargeysa ka yimaadeen, markaa imika ayaa la dhaqaajin karaa amaanka iyo cashuurahaba"

Dhanka kale Maayarku waxa uu tilmaamay in ilaa Ceelaayo oo 110KM u jirta Magaaladda Boosaaso ee maamulka Puntland, ayaa ka shaqeyaan isagoo sheegay in hada ay magaalada Soo dageen Ciidamo Milatari ah oo ka yimi Hargaysa "Hawlahana ilaa Ceelaayo ayaanu ka wadnaa, siyaasadii degmadda Laasqorayna way isbadashay oo Somaliland-bay ku shubatay oo xagga Somaliland ayay u wadda jeedsatay intii xukuumadda Siilaanyo tallada haysay, shalayna waxa na soo gaadhay Odayaal dhaqameed ka yimid Hargeysa oo degmada ka bilaabay wacyi-galin ah sidii ay doorashadu uga dhici lahayd Laasqoray"

ka: Oodweyne (Habar Yoonista Galbeed)


AllDhooftinle.com