Calanka Ugaaslabe
Laascaanood, 23 Oct 2012 (AllDhooftinle.com)

Puntland Ma Joogi Karaan Dhakhtaro Ajnabi Ah Oo Faalisa Ah Oo Ajandayaal Kale Ku Shaqeynaya.

Dhakhtarada faalisada ah ee Somalia jooga

Dr Cali Cabdulaahi Warsame, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa maanta digniin u diray dhakhaatiirta ajnabiga ah ee bilaa sharciga ku jooga Dawlad Goboleedka Puntland.

Wasiirku wuxuu dhakhaatiirtaasi ku amray iney 24 saacadood gudahood ku soo xaadiraan oo iska diiwaan geliyaan Wasaaradda Caafimaadka si loo ogaado waxa ay qabanayaan iyo waxa ay cilmiga u leeyihiin.

Waxa la sheegayaa iney dhakhaatiirtani oo kor u dhaafay labaatan ay kala joogaan Gaalkacyo, Garowe, Boosaaso, Ceerigaabo iyo Laascaanood .

Dhakhaatiirtaasi sidey doonaan ayey uga dhex shaqeystaan Somaliland iyo Puntland. Cid ay run ahaan u shaqeeyaanna lama oga, lacagtiina odayadii, caruurtii iyo islaamihii dalka wey ka dhammeeyeen.

Dhakhtaradan waxa ugu badan kuwa isku sheega iney ka yimaadeen Kenya, Tanzaaniya iyo Suuriya. Wasiirka Caafimaadka ee Puntland wuxuu kaloo digniin kulul siiyey dadka keena dadkaa aan la garaneyn ajandahooda iyo shahaadadaha ay sitaan.

Wasiirku wuxuu soo jeediyey in la soo xidhxidho dhakhtarada iyo dadka keena ee aan u hugaansamin amaradiisa.

Wasaarada Caafimaadka ayaa 24 july, 2012 ka eridey Puntland 3 nin oo ajibi ah oo ku qadhaaban jirey dhakhtarnimo faalisa ah.



Cali Ismaaciil Aljacfari
calii@alldhooftinle.com


AllDhooftinle.com