Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Dhaantada Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Dhaanto)
Calanka Ugaaslabe
Gabayga Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Poem)

Laasqoray, 14 Feb 2015 (Alldhooftinle.com)
Ka Faa'iidaysiga Waayo–aragnimadii Hore. Ka Tilmaan Qaadashada Waxqabadkii Qablan Iyo Xaaji Ayan: It's Better To Light A Single Candle Than To Curse The Darkness.

Dawladii inaga burburtay ee lahayd sharciga iyo kala danbaynta, dakhligeedii waxaa laf dhabarta dhaqaalaha kow ka ahaa xoolaha nool. Kaalinta labaad waxaa ahaa Wershadii Kaluunka ee Laasqoray iyo Macdanta Majayahan marka laysku daro labadaa.

Bulshada ku nool degaanka Maakhir ma dareemin in dakhli badani ka soo xeroodo dhulkooda, waxbana kama faa'iidin labadaa mashruuc oo kor ku xusan, ha ahaato mid dhaqan – dhaqaale ama bulsho, lacagtoodu waxay u gudbi jirtay Dawladii Dhexe ee Soomaaliya oo ku maalgelin jirtay gobolo iyo degmooyin kale si loogu dhiso wadooyin, iskuulo, cusbitaalo, i.w.m.

Marka dib loo fiiriyo, kacaankii Siyaad Bare waxaa ka waxtar badnayad, gaar ahaan degaanka Maakhir, dawladii ciidamadu inqilaabeen ee Rayadka ahayd, sababna waxa u ahaa Cabdullaahi Qablan.

Cabdullaahi Qablan wuxuu xubin firfircoon ka ahaa baarlamaankii Somalia ee markaa shaqaynayey oo 
looga dhex yiqiiney, Cabdullaahi Geeldoora.

Mudane Cabdullaahi Qablan wuxuu kaloo xukuumadihii markaa jirtay ka soo qabtay xilal kala duwan sida, Wasiir ku–xigeenkii Maaliyada iyo Wasiirkii Jaan-gooyada (Qorshaynta Qaranka). Wasiir Qablan waxaa Agaasime Guud u ahaa Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, oo iminka ah Madaxweynaha Somaliland.

Qablan, wuxuu si aan joogsi lahayn (fluent) ugu hadli jirey afar luuqo, Soomaliga, Carabida, Ingriisida iyo Talyaaniga; isla markaa wuxuu ahaa qoraa caan ah oo buugag badan qoray.

Qablan, wuxuu ahaa wasiirkii ku dedaalay in Laas-qoray laga dhigo degmo, oo ku guuleystay inuu keenay degaanka mashaariic fara badan. Mashaariic ahaa waxqabadka wakhti fog, micnihii ugu horrayn iyo ugu danbayn waa wax–qabadkii dhabta ahaa oo ka muuqan jirey degaanka Maakhir ama iminka aad ka sii aragtaa raadkiisii.

Mashaariicdaa waxa ka mid ahaa:
1) Wershadii kaluunka oo ugu weyneed Africa, shaqaale badan oo kor u dhaafay laba kun ay ka shaqayn jireen.
 2) Wadada Geeldoora.
 3) Ceelal biyood (Riigag), sida Ceelka: Dhahar, Xingalool, Ceelbuh, Carmale iyo kuwa kaleba.

4) Shaqaale badan oo uu qoray Wasaaradihii Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradii Maaliyada. Koox waxay ka gaadhay derejooyin sar-sare, koox ardayna tacliin debeda ah buu u diray (scholarship).

Waxa sidoo kale, degaanka Maakhir u soo halgamay, Maxamuud Axmed Maxamed (Xaaji Ayaan - Dingo) oo ahaa aabihii taclinta Gobolka Sanaag. Xaajigu wuxuu soo ururiyey dhammaan dhalinyaradii wax ka baratay Dugsiyadii Maakhir bilowgii xiligii taclintu bilaabantay.

Wuxuu ka mid ahaa Xaajigu gudigii taclinta Ceerigaabo, oo Laas-qoray hoos immanaysay. Sanadkii 1953 kii Macalinkii u horreeyey ayuu Xaajigu geeyey Laas-qoray, kaasoo la oran jirey Musa Yusuf Adan, oo iminka loogu magac daray dugsiga sare ee Laas-caanod.

Xusuus:
 Labada oday oo u soo halgamay degaanka Maakhir oo kala ahaa: Abdulahi Mohamed Ahmed (Qablan) iyo Mohamoud Ahmed Mohamed (Xaaji Ayaan - Dingo), midna wax lagu xusuusto loogama samayn degaanka Maakhir. Gobolada iyo degmooyinka kale ee Somaliya waxa calaamdo ama qoraalo lagu xusuustaa rag badan oo ay ka mid yihiin Adan Isaaq Ahmed oo u dhashay Gobolka Awdal.


Qore , C/CASIIS MAXAMUD GURIBAR