Calanka Ugaaslabe
USA, 6 Nov 2012 (AllDhooftinle.com)
Waxa wadadan ku dhintay sanadkan ilaa 18 Maraykan ah oo kibir dartii doortay inay baaskiilado ku maraan dariiqan.
Direewalka wada baska aad kor ku aragtaan wuxuu ka mid yahay kumanaan qof oo naftoodii, baabuurtoodii iyo maalkoodiiba ay salfatay wadadan halista ahi.

Wadada Adduunka Ugu Khatarsan Hadii aad u malaynaysay in wadooyinka Geeldoora, Tabca ama Shiikh ay ugu khatarsan yihiin wadooyinka aduunka ogow inay jiraan kuwa ka khatarsan.

Wadadan oo la yiraahdo Wadada Geerida waxuu dherekeedu yahay 50 mayl waxay caasimada La Paz ku xidhiidhisaa gobolka go'doonka ah ee Yungas ee dalka Bolivia.

Wadada Adduunka Ugu Khatarsan Dadka wadadan isticmaalaa waxay sheegeen in maalin walba gaadhi ka dhaco, laakiin dowlada Bolivia waxay ku doodaysaa in wiigii uu hal gaadhi ka dhaco ee aanay ahayn maalin kasta. Dowlada waxay sheegtay iney sanadkiiba 300 qof ku geeriyoodaan dariiqan.

Wadada Adduunka Ugu Khatarsan Qaramada Midoobay ayaa 2009kii u aqoonsatay dariiqan inuu yahay kan ugu qatarsan aduunka ee bani'aadmi isticmaalo. Wadadan oo la sameeyey 1930kii ayaa weli ah tan keli ah ee isku xidhiidhisa qaybo muhiim ah oo dalkaas ka tirsan.

Wadada Adduunka Ugu Khatarsan Waxay weli dad badani xusuusan yihiin 24 July 1983kii oo bas siday 90 qof uu ka shalwaday buurtan dheer mana jirin cid ka badbaaday shilkaas.

Dowlada Bolivia ayaa hada waxay ku dhowdahay inay dhamaystirto wado kale oo laami ah lagagana kaaftoomayo wadadan dhiiga badani ku daatay.


Yaasiin Maamuud Aljacfari
yasiin72@hotmail.com


AllDhooftinle.com