Calanka Ugaaslabe
London, 29 Oct 2012 (AllDhooftinle.com)
Ugaaslabe Baraya Soomaalida Dhibaatada Af Soomaaliga Haleeshay!
Macallin Siciid Saalax Axmed Oo BBC Ka Wareysaneyso Af Soomaaliga

Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada London ee carigga Ingiriiska toddobaadka loogu magacdaray "Toddobaadka Soomaaliya ee Fanka, Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida". Waxa soo qabanqaabiyay xuskan Ururka Keyd, walkaasi oo lagu soo bandhigay taariikhda suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa dadka lagu marti qaaday ka mid ah abwaanno iyo aqoonyahanno iyo af-yaqaanno magac weyn ku leh umadda Soomaaliyeed.

Waxaana toddobaadkan dhinaca kale ay ku beegneyd oo la xusay sanadguurada 40aad ee markii la qoray afka Soomaaliga 1972.

Haddaba dadkii halkaasi joogay waxaa ka mid ahaa Macalin Saciid Saalax Axmed oo aad uga warbixiyey isbeddelka ku yimid afka-Soomaalida waqtiga dhibaatadu ka jirtay dhulka Soomaaliyeed.

Macallin Saciid Saalax Axmed wuxuu siiyey BBCda warbixin ku saabsan mushkiladaha Afka soomaliga haysta.

Macallinka oo ka mid ah dadka tirada yar ee ay ku hadhay suugaanta afka Soomaaligu ayaa haatan waxuu nool yahay waddanka Maraykanka.

Cali Ismaaciil Aljacfari
calii@alldhooftinle.com


AllDhooftinle.com