Nashiidada Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Anthem)
 |
Melbourne, 24 Oct 2012
(AllDhooftinle.com)
Shir aad loo soo agaasimay oo waxgaradka beesha Maakhir ee Australia iyo New Zealand ...
Shir aad loo soo agaasimay oo waxgaradka beesha Maakhir ee Australia
iyo New Zealand taarikhdu markay ahayd 23 October 2012
ayaa lagaga arinsaday laguna falanqeeyey waxyaalo badan oo khuseeya
beelweynta; Maakhir gudo iyo debedba.
Nuxurka shirka ayaa ku saabsana sidii loo dooran lahaa
Gudoomiye, iyo Gudoomiye ku xigeen, waxa kaloo shirka loo
qabtey wada shaqaynta iyo xoojinta Jaaliyda Maakhir ee Australia iyo
New Zealand, kordhinta xiriirka iyo waxqabadka ku
aadan degaanka maakhir, iyo sidii loola xiriiri lahaa jaaliyadaha
kale ee reer Maakhir wadamada kale ku nool, loo
kordhin lahaa si looga arinsado marxalada kala guurka ah ee Soomaaliyaa
marayso iyo sidii beesha Maakhir ulla anbaqaadilahayd isbedelada
dhacaaaya loona soo afjari lahaa khilaafaadka beryahan danbe soo
ifbaxayey.
Shirkan oo ay kasoo baxeen Go'aamo wax ku oola ayaa sidan u
dhignaa:
- Waxay jaaliyadu dooratay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen
oo lookala doortay: Xuseen Maxamed Yaaquub
Gudoomiye, halka Yaasin Shire
Farmayeeri loo doortay Gudoomiye Ku xigeen.
- Sidoo kale waxaa xiriiriye loo doortay Eng Ciise Xawar, oo
ka socday waftida reer New Zealand, isagoo xiriirin doona
dhamaaan jaaliyada reer Maakhir ee kudhaqan qurbaha kana shaqayn doono
isusoo dhowaanshaha iyo xiriir wanaaagga qurba joogta reer Maakhir
- Waxay jaaliyadu ugu baaqaysaa dhamaan bahwaynta reer
maakhir in lataageero horumarka deegaanka ka socda oo ay ugu horayso
DEKEDA Laasqoray, meelna looga soo wada jeensado cid alla ciddii xagal
daacin kuwada gude iyo debedba horumarka deeganka.
- Waxay kaloo jaaliyadu ku baaqaysa in taageero buuxda
lasiiyo maaamulka laga hirgelinaayo Jubooyinka, isla markana soo
jeedinaysaa in dadka deeganka ah faraha looga qado inay maamulkoda soo
dhistaan oo aan wax faragilin ah lagu samayn.
- Ugu danbeeyntii waxa kaloo jaaliyadu is la
garatey, oo ku baaqaysa in laga shaqeeyo sidii loo qaban
lahaa shirwayne beesha Maakhir, oo ka dhaca dalka gudihiisa, si wada
jir ahna looga qayb galo, gudaha iyo debeddaba, shirkaas oo
laga tashado aayaha, midnimida beesha, loona sameeysto hanaan
siyaasadeed oo beeshu u dhantahay.
Eng Nuur Ow-yusuf
Eng Aadan Xaaji Saalax
Oday Maxamed Maxamuud
Oday Muuse Gogle
Aqoonyahan Yaasin Shire Farmayeeri
Aqoonyahan Abdixakiin Kediye
Aqoonyahan Xassan Cabdi Cashuur
Gudoomiye Xuseen Maxamed Yacqub
Eng Ciise Xawar
Mansur Aljacfari mansu@alldhooftinle.com

|
|
|