Calanka Ugaaslabe
Laasqoray, 20 Oct 2012 (AllDhooftinle.com)

Gabaygu sow muu ahayn, "Mindigaluhu Ma Cumar Baa, Ma Caruurro Jaan Baa, Ma Cirkuu Ka Soo Dhacay? Mise Waaba Caammoo, Garaadkaa Cadhooday, Codkooddii Ku Raaceen, Ooy Igu Colaadsheen?"

Dadka Shariiriin Ah


Waxa jira geed shirqooleed caan ka ah dhulka iyo taariikhda Soomaaliya. Geedkaas waxa la yiraahdaa CANJEEL TALLO WAA. Geedkaas munaafaqad iyo Shirqool ayaa loogu hoos sameeyey Darwiishkii Seyid Maxamed Abdulle Hassan (AUN). Shirqoolkaasi waa fashilmay, ceeb iyo wadhina waa ka raacday intii soo abaabushay.

Dadkuna hadda waxay dhabanada la wada hayaan waxaa sanadkan 2012 ka dhacay dhulka Maakhir, Shirqool iyo Munaafaqad qorshaysan oo laga soo abaabulay Caqliga-Shariiriinta-Mindigale.

Sharkaa waxa loogu tala galay in quruumo iska dhammi ku riiqmaan oo fawda iyo jihawareer dhaco iyo weliba iney reer Maakhir dhammaan madax iyo manjo isku marmaan.

Alxamdullilaah, Shirqoolkaa Munaafaqadaysan ee Shariiriinta Mindigale wadey ILLAAHAY baa fashiliyey inakana samato bixiyey.

Loollankii siyaasaddeed ee faraha badnaa ee dhashay ka dib burburkii qaranka Soomaaliyeed, waxuu keenay taran ku dhacay hogaamiye dhaqameedyada iyadoo jufo hoosaadyada Maakhir ay wada samaysteen, Isimo tiro badan laakiin aan lahayn tayadii lagu yaqaanay Isimada soo jireenka ahaa.

Maadaama Isimadan samaysmay ay yihiin jiilkii koowaad oo aan khibrad lahayn, waxaa gar noqotay in lagu arko qadaf iyo deelqaaf aad u fara badan oo ku tusinaya amaba ku xusuusinaya HADAAN KOOYAA nimada isimkaa isaga ah.

Garaadka Mindigale dabcan waxaa isaga u dheer u heelanaanta iyo saaxiibnimada dhow ee uu la yahay bahda saxaafada, isagoo taasna ku mutaystay in loo magcaabo afhayeenka Isimada Puntland, taasaana labbo jibaartay in qadaf iyo deelqaafkiisa ee fadhibaradnimada isim ay si xawli ah uga soo bannaan baxdo oo kashifanto, had iyo jeerna uu ahaado mid kashifan, ileyn waa shaqsi Idaacad intaa taagan oo afhayeenimo iyo isin nimo iskaga khaldantaye.

Wax badan haddii Garaadka Mindigale ka dhex muuqdo Xafiisyada Puntland looga taliyo, waxuu hadba afhayeen iyo sameecad u ahaado hadba ninka talada Puntland haya, Wax badan oo uu Garoowe Shaqaalo ka ahaadoba, haddii Garaadka iyo Odayo kaleetoo hadda Allahooda aaday ay si xaq darro ah oo boob ah u qaybiyeen Kuraastii Baarlamaanka ee CARTA iyo MBAGATHI waxaa 2012 la soo gaadhey xilli kala guur u ah Somalia.

Waxa timid waqtiguu kici lahaa Suldaanka Guud ee Bariga Sanaag.

Waxa la go'aamiyey: Ninka Garaadnimadiisa iyo shaadhkiisu intuu jiray isle'eg yihiin in aan talo la weydiin, oo Isamadii jiray 1960 uun la soo qaato.

Garaadka Mindigale waagii baa ku beryay, sidii buuna u cadhaysan yahay. Garaadku waxuu ka samri waayey in waqtigii Bililiqadu ay dhamaatay, oo Cimaamadiisii Bililiqadu aanay manta waxba ka gooyneyn Somaliweyn, Somaliland iyo Puntland toona..

Garaadka Iyo Aflagaaddo Aan Loo Aabbo Yeelin Ee Beelaha
Teleconference uu Garaadku sameeyey 23kii July 2012, ayaa Garaadka Mindigale tiroba sagaal jeer ku celceliyey iney dagaal aan waxba lala kala hadheyn kicinayaan, inkastuu markiiba niyad jab kala kulmay Xingalool beelaha dega.

Garaadka Reer Mindigale waxuu kor u yiri, "Ugaaslabe Reer Maakhir Ma aha! Ugaaslabe Warsangeli ma aha (tani waa runtii), Ugaaslabe Muxuu yahay! Garaad Cabdalle waanu laynaynaa oo Caloolo waynaan maayaan! Tafa dhiigle baa laga qaadayaa kuraasta aan dadka aan geyin ee dalka u dhalan la siiyey, waa ugaaslabee!".

Beesha uu Garaadka u yahay C/laahi Cali Ciid ee Reer Saalax waxay ka mid yihiin Beelaha Warsangeliga Daarood ee Ugaaslabuhu dhalay, weliba waxay ka sii mid ahaayeen beelihii awoowayaashood Ugaaslabuhu ka badbaadiyey xasuuqii uu ku hayey Garaadkii xoogga badnaa ee Reer Cismaan Ibraahim (Warsangeli) oo aan isagu ogoleyn inuu wiilba u kaco cidahaa kale.

Guud ahaan Garaadka Mindigale wuxuu illaaway oonu kuba xisaabtamin, inuu Ugaaslabe kaga soo horeeyey dalka iyo dadkaba reer Mindigale. Ilaa Boqortooyadii Reer Cismaan Ibrahim, Ugaaslabe dalka waa joogay ugana waxtar iyo nafci badnaa reer Mindigale, waa haddii xisaabtan run ahi jiro.

Garaadka iyo Abbaabulkiisa Dagaal
Garaadka Mindigale oo lagu tilmaami karo Xildhibaan Qaday garanna waayey xilku waa meerto, iyo in yar oo shariiriin ah oo reer Mindigale ahi waxay iclaamiyeen dagaal cad oo beesha Maakhir lagu burburiyo.

Garaadku waxuu dadkuu tuulooyinka kula kulmay, ee shirarka la gelayey ugu dhaartay in uu Tuulada Habarshire ku ururiyey 800 oo wiil, oo mad madoow, Cadhaysan, oon Caloolo Waaweeyn wax ka reebeyn, dhamaantodna caga cad oo faraha hore wada duuban yihiin, shiishkana aan la arag wax la mida oo uu u hurayo Shirqoolka iyo Munafaqada Mindigale ee uu maleegayo.

Baaqiisii Cadhada kursi xildhibaan ka kacday, waxay keentay in shirar aan beeluhu u mideysnayn ay beesha Adan Saciid, Warlabe, Xuseen Ciise, Gaashaanbuur iyo Beesha Mindigale mar wada balaabmaan. Maxaase wadhi ka raacay garaadka. Kulli waxay soo saareen bayaano ay ku ayidsan yihiin Horumarka Laasqoray ka socda iyo adkeynta nabadgelyada Mandaqadda Maakhir. Cid aan beeshiisa ahayn oo ajandihiisii sharka xambaarsanaa la wadwadaba waa waayey.

Garaadka Iyo Labba Digniinood oo Xag ALLE Uga Yimid, Mase Garan!
Garaadka iyo tuuladiisa yarba waxaa Allaah (SWT)u soo diray, labbo digniinood, isagoo Allaah Subxanahu Watacaalaa xusuusinaya in uu isagu dadkan iyo dalkan abuurtay.

Ugu horreyn isagoo Garaadku shirarkii belaayo kicinta ahaaba aan weli dhamayn oo markaa shirar hoosaad la leh beesha Warlabe (beel sharaf iyo cizaba Alle ku manaystay) oo ay xulufo Maxamed Salah la isku yiraahdo kuwada jiraan,ayaa Alle qadaray in dhiigii fidnada ahaa ee uu naadinayey ay beeshiisu ka gasho beeshii ugu dhoweeyd ee ay xulufada wada ahaayeen. Taasi waxay keentay in Garaadku u caraabo oo u cararo Mindigale, isagoo ka baqaya iskana eegaya beeshii dad ugu dhoweeyd.

Waa tan labaad eh, duufaan aan dal iyo dibbed raadkeeda meel kale lagu sheegin ayaa dul fadhiisatay Tuuladii yarayd ee Mindigale, taasoo deken deken ka dhigtay oo dadka oo awalba tabaalaysnaa ka burburisay waxay hoy iyo agab lahaayeen.

Garaadka Mindigale, Masiibooyinkaa la isu daba dhigay oo midba midka kaleeto ka weynaa waxba kumuusan qaadan ee weli waa sii watay Shirqoolkii Mindigale.

Garaadka iyo Shirkii Mindigale
Sida la wada ogsoon yahay, Shirkii Mindigale oo dad aan 50 qof oo rag ahiba ka soo qayb gelin, ahaana shir la buunbuuniyey, ayaa marki beelihii kaleetoo dhammi shirarkoodii ku soo afjarmay nabad, colaad la'aan, danta beel hoosaadka oo ay ka arinsadeen, taageerida horumarka mandaqadda, waxay ku noqotay Garaadka Mindigale filanwaa iyo fajac, waxaana cadaatay in aan Garaadnimo iyo Xirfadeeda toban sanadood lagu baran Karin.

Waxay ka fursan weyday inuu Garaadku markaa Afka labaddisa daan yeedho, oo sidii Idaacadaha iyo TVs oo dhan laga wada daawaday uu Aflagaadooyin u geystey Beelo, Maamul Goboleedyo, Ashkhaas Sharaf leh, Mashaariicda horumarineed ee mandaqada, iwm.

Af-Caytama ninkiisuu ku yaal, Garaadka Mindigale isagoo isla saxsan, isagoon ogeyn inuu waxa uu sheeganayo yahay magaca "ISIM BEELEED", ayuu sida uu doono u hadlay. Ugaaaslabe Dalkan waxba kuma laha, Bahwadaag iyo Beelo Yaryar oo nacamleeya ayaa Mafiya Mashruuca la shaqaysanaya, Wasiirka iyo Wasaarada Daakhiliga waa lala xisaabtamayaa...Wax laga yaqyaqsoodo oo dhan ayuu isdaba dhigay, oo dal iyo dibedba laga maadaystay.

TALO KU SOCOTA INAMADA BUURAHA LAAG (WAA HADDIIBA AY JIRAANE)
Adduunka waxa cirka loo diraa sawaariikh hadal lagu duubo si haddiiba ay jiraan ummaddo kale oo lays fahmi karo loo gaadhsiiyo hadalka dadka adduunka ku nooli ku hadleen. Markaa aniguna haddiiba ay jiraan inamada buuruhu waxaan u duubayaa hadalka soo socda:

Garaadka Mindigale iyo dhawrka Shar-wade Shirqoolkoodii iyo sharkoodii Alle waa ka badbaadiyey mandaqadda Sanaag Bari, oo wey ku fashilmeen. Beelahii Warsangeli ee ay shirarka iyo lacagta ku afuufayeenna kuligood dantooday ka raaceen, iskana naareen, Allena ka baryeen inuu ka nejeeyo Shirqoolka iyo Sharka Mindigale.

Waxa igu maqaale ah in Odeygaa iyo Kooxdiisu ay dhalinyaro la shireen wiigii ugu horreeyey Oktoobartan, shirkaasina Fashil iyo Balan Danbe oo bacdal ciidka ah uu ku dhammaaday.

Sida aan hore u soo sheegay waa kan Ina Cali Ciid ku dhaartay inuu ururiyey 800 oo wiil, oo mad madoow, Cadhaysan, oon Caloolo Waaweeyn wax ka reebeyn, dhamaantoodna caga cad oo faraha hore wada duuban yihiin, shiishkana aan la arag wax la mida. Cidda ay yihiin iyo meeshey ku nool yihiin dadkaasi lama arag lamana maqal. Markaa waxay dadweynaha adduunka (Sanaag bari) ku nooli idin leeyihiin, haddiiba aad jirtaan: Hello! Hello! ASC, yaan laydinku beer laxwsan been iyo iska bihinbihin, oo yaan laydin ku dirin HORUMARKA MANDAQADA LAASQORAY KA SOO BIDHAAMAYA, u hadhi doontaana Allaa oge.



( ياأيها الذين آمنوا إن جاءكم فاسق بنبإ فتبينوا أن تصيبوا قوما بجهالة فتصبحوا على ما فعلتم نادمين ( 6 ) واعلموا أن فيكم رسول الله لو يطيعكم في كثير من الأمر لعنتم ولكن الله حبب إليكم الإيمان وزينه في قلوبكم وكره إليكم الكفر والفسوق والعصيان أولئك هم الراشدون ( 7 ) فضلا من الله ونعمة والله عليم حكيم ( 8 ) ) .


قال قتادة : فكان رسول الله - صلى الله عليه وسلم - يقول : " التبين من الله ، والعجلة من الشيطان " .


Xusuus, Shariiriinta Mindigale ayaan ka hadlayaa. Kama hadlayo inta Sharafta, Wanaaga iyo Naamuuska igu leh ee reer Mindigale, in kastoo aan isleeyahay waxa wanaagsanaan lahayd iney Ashraafta reer Mindigale iska qabtaan Shariiriinta. Maaha iney aamusaan Ashraaftu ee malaa waa iney codkooda khayrka qabana xaqa ugu hiiliyaan.

Ayaanle Maxamuud Maxamed Aljacfari (Ugaaslabe/Bani Jacfar)
holhol-mayor@hotmail.com


AllDhooftinle.com