Calanka Ugaaslabe
Ceerigaabo, 1 Oct 2012 (Alldhooftinle.com)

Maxbuuskii Shan Iyo Toban Jirka Ahaa Ee Guantanamo Bay Ku Xidhnaa Waxa Loo Wareejiyey Xabsi Kale Oo Kanada Ku Yaal. Maxbuuskii Shan Iyo Toban Jirka Ahaa

Ninkii ugu dambeeyey ee Reer Galbeedka ahaa oo ku xidhnaa xabsiga weyn ee Guantanamo Bay ayaa laga saaray halkaas isagoo loo diray dalkiisii Kanada si uu ugu sii dhamaysto xabsiga inta weli uga hadhsan.

Dowlada Kanada ayaa sheegtay in ninkan u dhashay Magaalada Toronto loo dhaadhiciyey xarun milateri oo ku taal magaalada Trenton, Ontario, waxayna sheegeen in la geyn doono Xabsiga halkaas ku yaala oo la yiraahdo provine Millhaven.

Ninkan oo magaciisa la yiraahdo Khadar Omar ahaa ayaa ahaa kii ugu da'da yaraa oo Reer Galbeeda oo ku xidhnaa xabsigaas

Khadar wuxuu jirey 15 sano jir markii la qabtay sanadkii 2002 isagoo ka dagaalamaya Wadanka Afaganistaan, haddanna waa 26 jir

Ninkan sannadkii 2010 waxay Maxkamada Ciidamada ee Maraykanku ku xukuntay 40 sano oo xadhig ah, laakiin dadka uu ka dhashay iyo dawlada Kanada ayaa heshiis ayaa heshiis la galay Dawlada Maraykanka, kasoo xabsigiisa ku soo koobay ilaa sanadka 2018 horaantiisa.

Weli waxaa ku hadhay xabsiga Guantanamo Bay 166 maxaabiis oo oo dhamantoodba u dhashay Wadamada Muslimka, iyadoo Madaxweyne Obama hore u shaaciyey inuu xidhi doono xabsigaas hadii la doorto, laakiin hada aad moodo inuu sii furnaan doono ilaa inta la helaayo meelo kale oo lagu xidho maxaabiistaas oo ka tirsan Dunida Muslimka.


Weriye,Saalim Aljacfari
saalim@aldhooftinle.com


AllDhooftinle.com