AllDhooftinle.com


Nashiidada Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Anthem)
Daawasho Wacan

Calanka Ugaaslabe Gabayga Ugaaslabaha
(Bani-Jacfarland National Poem)   Sii Akhri

WAQTIGA SOMALIA


Xadrada Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Xadro)
Daawasho Wacan
Burco, 13 Feb 2011 (AllDhooftinle.com)

ILAALINTA BADDA IYO KHAYRAADKEEDU WAA MUQADAS.

Abaartu iyo nabadguurku si xoogan ayey ugu habsadaan badda wakhtiyada qaarkood, beryahan dambe waxaa qof waliba ogyahay inaan wershadda kalluunka ee Las-qoray shaqayn, kalluun la,aan awgeed. ( tabadin, tarraaqad, shirwa, sumaan, gaxash, qarriib, iwm waa la waayey ) .

Waxa iyana mudan in la xuso ahmiyadda weyn ee uu leeyahay khayraadka badda Makhir ( badda cas ) oo isaguna iminka ku sugan xaalad dayac oo aad u ba'an.

Marka laga yimaado xoolaha nool, kalluunku waa lafdhabarta dhaqaalaha dalka aynu ku noolahay, iyado wakhtiyadan dambe kalluunkii uu sii yarraanayo oo dabargo uu ku dhaw yahay , sababtuna tahay waxa si sharci darro ah uga ugaadhsata xeebaha makhir ee badda cas maraakiib iyo doonyo shisheeye, kuwaaso kalluunka waaweyn ka sokow gurta ugaxanta iyo kalluunka caydiga ah ( waa jirriif ) taasoo ah mamnuuc marka loo eego xeerarka kalluumaysiga caalamiga ah waxa inta dheer, iyadoo khashin sun ah lagu soo qubbo xeebaha taaso dabargoynaysa noolaha badda ku dhex jirra.

SIDAA DARTEED:
1). Waa in loo hawlgalo sidii loo hanan lahaa loona horumarin lahaa ilaalinta xeebaheena iyo khayraadka baddeena.

2). Waa in la soo cammirro oo dib loogu soo noqodo magaalooyinkii xeebaha ku yiil si looga war qabbo ciddii dhibaadooyin u geysanaysa baddeena.

3). Waa in loo hello ciidan ilaaliya badda iyo doonyo dheereeya oo ay ku adeegsadaan.

4). Waa in tallaabo adag laga qaado cid alaale ciddii ku soo xadgudba baddeena , isla markaana qawaanin adag laga soo saaro dadka waxyeelanaya baddeena.

5). Waa in guurtidu iyo cuqaashu ay go,aan ku gaadhan iyakoo la kaashanaya dadweynaha hawlgalo ay wax kaga qabanayaan waxyaabaha badda waxyeelay.

Haddii aan dhibaadooyinkan kor ku xusan aan si dhab ah oo degdeg ku dheehan yahay aan wax looga qabban , dadweynuhu wuxuu mashquul ku noqon doonaa xal u hellidda dhibaatooyinka arrimahaa ka soo baxa ( sida khashin qub sun ah oo xeebta maakhir laga hello ) halkii ay ka shaqan lahayeen hawlahooda dhaqan iyo horumarineed .

FIIRO GAAR AH:

Sud libaax leh meel bahal salkiyo, seymo la arkayo, sanqadh tirashadda lagu maraa, laanta lama seydho.

Ninkii maalintaas ka sita oon laga sed qaadeynin, sowd gibina baa lagu cesha laguma soonyaansho.

Waxaan u jeeda oo aan gabaykan uu tirriyey Raage Ugaas u soo qaaday , haddii si wadajir ah midnimada loo xoojiyo cid soo hunguriyaansa ma jirrayso baddeena.

A.M.GURIBAR,
cabdiguribar@hotmail.com






AllDhooftinle.com