Nashiidada Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Anthem)
 |
Laasqoray, 24 NOV 2012
(Alldhooftinle.com)
Laacaanood oo iska dhigeysa Qasaali ayaa Laasqoray oo iska dhigeysa Magool ugu heeseysa, "Amba dhamay qadhaadhkee
waa inaad dhadhamisaa..."
Ciidamada Somaliland ayaa cagta saaray waddada loo maro Dhahar iyo Ceelaayo, ciidamadaasi waxay soo xidhayaan xuduudda Somaliland.
Markey ciidan iyo xoog ka waayeen Majeerteenkii ay 20 ka sano guulwadayaasha u ahaayeen ayey dad badani farta dhexda ka qaniineen iyagoo u garaabaya Dhulbahantihii ay ka faani jireen.
Su'aasha meesha taallaa waxa weeye qiimaha Maakhirland waa imisa gaadhi! Awr-Boogeys (tuulo Dhulbahantuhu dego) iyo Laasqoray teebaa ku qaaliya Isaaqa!
LAASQORAY |
LAASCAANOOD |
Waataad dhib mudatee
dhursugeysay waayee
hawl kaa dhamataa
ii dhalatey caawee
dhuxushaad ku joogtiyo
dhamacdii dareemee
dheel ma joogtee
dhab u fiirso waligaa |
Dhibta lay isku egaa
wey inoo dhexaysayoo
adiguba dharaaraad
ka qosleysey dhooshee
ana dhiig sidaan galay
keymaha ku dhuuntee
saw caawo dhaantiyo saw
filanmeysid dheel-dheel |
Dheegow danteenii
anigaa dhalliiloo
ruuxse dhaawac geystoo
dhayayaa ma liitee
ruux taladu dhaaftana
dhaaxaanu aragnee
dheel ma joogtee
dhab u fiirso waligaa |
Dhulku wuxuu la qayshaa
dhamacdii i gubatee
dhirtu waxay la oydaa
dhuxushaan magaabashee
amba dhamay qadhaadhkee
waa inaad dhadhamisaa
saw caawo dhaantiyo
filanmeysid dheel-dheel |
Dhagar qabe Illaahey
uma diido guushee
xaqa dhabab la saraa
qunyar soo dhawaadee
dabinkaan dhigaayaan
la haleelay dhaadkee
dheel ma joogtee
dhab u fiirso waligaa |
Dhiilada kolkaagii
adba dhaadi weydoo
hadalkaad dhureysiyo
dhinacyeyska daayo
ku dhageysan maayee
waa inaad dhaqaaqdaa
saw caawo dhaantiyo
filanmeysid dheel-dheel |
Cabdalle Aljacfari
cabdalle@alldhooftinle.com

|
|
|