Ceerigaabo, (AllDhooftinle.com)

Gabayga Calanka Ugaaslabe (Bani-Jacfarland National Poem)

Gabayga Calanka Ugaaslabe (Bani-Jacfarland National Poem)

Carab Xasan Wuxuu Kula Taliyey Ugaaslabe Iney Cududdooda Muujaan



Boosoow magaalada tolkeen lagaga toolmoone

Laasqoray talaa lagu dhisiyo tacaba waayeele

Tiirkeeda nimankii alkumay toban ma gaadhaane

Tiinliyo Gabtaanlaa malaha taabay Laasqoraye

Iyo nimanka tuurka cad leh oo taagan weligoode

Oo aan ka tegihaynin sideey taawil ku arkeene

Niman baa hadeey tacadiyaan toogadood fala e

Oo haatan taagsaday mar bey tamar yaraayeene

Reer Faatax tii uu dhidbaday loogu tegi waaye

Teenaa sidii toobinkii laysa soo tubaye

Ama talo lahaanoo burcadan ragannimuu taabnay

Walee ama tiirkan aan fadhino Tuuryarna u deeynay





AllDhooftinle.com