La taliyaha
Madaxwaynaha Somaliland ee arimaha bariga Fu'aad Aadan Cadde sheegay in
Wasiirka cusub ee dib u dajinta Saleebaan Xaglo-toosiye inuu ka saamayn
batey dhamaan siyaasiyiintii waawaynaa ee uu ka midka yahay ee xilalka
ka soo qabtey dalka, kaas oo tilmaamay inuu mansabkaas ku muteystey ka
dib markii uu xukuumadda kula gorgortamay in la fuliyo shuruudo hore
iyaga loogu diiday oo ay ka mid yihiin dib u soo qaadidii Ciidamada
Qaranka iyo Maxaabiistii dagaalada lagu soo qabtey ee la sii daayey,
isla markaana Halyey qaran ku sifeeyey Wasiir Xaglo-toosiye.
waxa uu
sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo khadka telefoonka ku siiyey Xalay
Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews
iyo Wargeyska Haatuf
isaga oo ku sugan Degmadda Xudun ee gobolka Sool, kaas oo uu kaga
waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda deegaanada gobolka
Sool iyo Buuhoodle, kaas oo sheegay inaanay wali dadka reer Somaliland
iyo xukuumadihii u kala danbeeyey-toona aanay wali wadadii u
wanaagsanayd Qaranimada dalka aanay marin.
La taliyaha Madaxwayne
Siilaanyo ee deegaanadda Bariga Fu'aad Aadam Cadde waxa uu ka
dhawaajiyey inaanay wali fari ka qodnayn saamigii ay xaqa u lahaayeen
beesha gobolka Sool, kaas oo tilmaamay inaanay mihiim ahayn
Wasiirnimadu, isla markaana tibaaxay in beeshiisu wali ku dulman tahay
Saami qaybsiga beelaha Somaliland.
Ugu horayna Fu'aad isaga oo arimahaas iyo kuwo kale oo badan ka hadlaya, kana warbixinaya xaalada
deegaanadda uu ku sugan yahay hada, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, "Deegaankan xaalkoodu wuu iska wanaagsan yahay oo Raxmaadkii Roobkuna
wuu u da'ay Alle Mahadi ha ka gaadhee, mida kale waa deegaamo aanay cid
dadka dhexdhexaadisaana aanay joogin oo dadka ayuun baa iyagu
meeshan woxooga kala gurgurta, markaa waxaan ku soo koobayaa ma jirto
meeshan cid ku dhexjirta dadkan walaalaha ah ee Ilaahay halkan ku wada
uumay haday dawlad ahaan lahayd iyo haday cid kale ahaan lahaydba. Mida
kale deegaanka wax aan ahayn dad la kala dilay oo iyagana laga
badalamay mooyaane wax kale oo dhibaato ah oo ka taagan ma jiraan oo
dadku way wada yaalaan oo waa la isku dhexjiraa, isla markaana reerba
reer ayuu la dagan yahay".
Fu'aad Aadan Cadde isaga oo hadalkooda sii
watana, waxa uu yidhi, "Horta meesha ugu daran ee la rabo in nabad laga
dhaliyo waa Buuhoodle iyo Qori-lugad, Saleebaan Xaglo-toosiye-na waan
soo dhawaynayaa xilkaa loo magacaabay, labadii maalmood ee uu marna
Hargeysa ka soo noqday maalina Caynabo imanayey labadaas cishoba waxaan
ka tagay Xudun oo waxa aan socday 200KM sidii aan maalintaas u soo
dhaweeyey ayaan maantana u soo dhawaynayaa. Maalintaas waan hadlay oo
waxaan idhi qof darajo lagu tolaa waxba ma sheegayso ee waxa la inooga
baahan yahay inaynu nabada u guntano oo aynu wakhti galino oo dadka la
isku soo dhaweeyo, Xaglo-toosiye qof ahaan nabada horena waxbuu uga
qabtey oo waa geesi, isla markaana hadeerna wuu ka qabanayaa ayaan
aaminsanahay, markaa inkasta oo ay naga fogyihiin anaga deegaanadaasi
hadana colaada iyo dhibaatada ka dhacdaa dadka oo dhan way
saamaynaysaa, markaa waxaan leeyahay nabada halaga wada qaybqaato. Mida
kale Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye waxa uu u baahan yahay in lagala
shaqeeyo nabada oo waliba dawlada uu ka midka yahay ay gacan wayn ku
siiso".
S:
Xaglo-toosiye maadaama oo uu Wasiirnimadiisa ka hor uu talaabooyin
horleh qaaday haday ahaan lahayd Ciidamadii dib loo soo qaaday iyo
haday ahaan lahayd Maxaabiistii badnayd ee uu hadhka cad kala baxay
Jeelka Madheera, miyaanu idinka Saamayn badnayn adiga (Fu'aad), Wasiir
Xaabse, Guddoomiye Baashe iyo Masiiliyiinta beeshiisa ee Siyaasada kaga
soo horeeyey?
J: Horta wax badan ayuu
Xaglo-toosiye qabtey oo ciidankiina dib waatii looga soo qaaday anagu
aanu inta badan baryeynay, isla markaana aanu Madaxwaynaha iyo
cidkastaba baryeynay oo arintaas waan qirayaa oo isaga ayaa ka soo
qaaday Ciidamada deegaankaas oo shuruudihii uu Madaxwaynaha la galay
ayey ka mid ahayd, arintaas wuu ku mahadsanyahay oo dawladda ka
yeeshayna way ku mahadsan tahay. Mida kale 73 Maxbuus oo xidhnaa isagaa
ku guulaystay in xoriyadoodii loo soo celiyo oo isagaa kaxaystey, waa
run oo wuu nagaga dheereeyey labadaba, nabadana Ilaahay baa haya oo
raganimadiisa iyo dadaalka uu nabada u galayna waanu ku faanaynaa oo
waanu u ducaynaynaa Saleebaan Xaglo-toosiye, kamana xumin dadaalka uu
galay.
S: Maadaama
oo aad in badan ka hadashay Saami-qaybsiga beelaha Somaliland, isla
markaana beesha aad ka soo jeedo Wasiir cusub u soo kordhay, ma is
leedahay Saamigii beesha Dhulbahante Miisaan wayn ayaa ku soo kordhay?
J: Saami Dhulbahante u soo
kordhay iska daayoo wax intii hore ka wayn ayaa ka maqan, dawladnimadu
waa Afar Rukun oo waawayn oo dalka laga xukumaa, Madaxwaynaha,
Guurtida, Wakiiladda iyo Maxkamadda sare, miyaad midna ku haysaa
Dhulbahante oo Todobada Wasiir ee ugu wayn miyaad midna ku haysaa
Dhulbahante oo wax alaala waxa hay'ad Madaxbanaan dalka ka jirta ama
Baan ha noqoto ama Hantidhawr ha noqotee miyaad midna ku haysaa reer
Sool iyo reer Buuhoodle? Markaanu Saamiga Dhulbahante ka doodno waxa
nala yidhaahdaa waad mudan tihiin oo ilaa wakhtigii Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal ayaa hadalkaas la ila hortaagnaa. Markaa waxa aan
Marxuum Cigaal (AHN) iyo ragii ka danbeeyeyba aan waydiiyey waar ma in
anaga nala baadi-doonaa mise waa in Somaliland siday ku hagaagayso la
baadi doono?
Anigu waxaan aaminsahay Dhulbahante waxay dani ugu jirtaa
Somaliland inay ka mid noqdaan, Somaliland-na waxay dani ugu jirtaa in
dadkeedu ay midoobaan oo waxyaabaha aan ka fikiro waxa ka mid ah waar
tolow hadii aad rabtaan inaad goosataan oo aad dal xor ah noqotaan Ma
Isaaq-baa kalidii goosanaya, mise waa la wada goosanayaa si Koonfur la
iskaga celiyo. Imika hadii Koonfur lala hadlayo oo la inagu khasbaba
inaynu Federaal noqono ma inaka oo dhan ayey ku fiican tahay oo wada
socono Waqooyi oo dhami oo Koonfur iska celina, mise cid gaar ah ayaa
wada-hadalada galaysa oo dadka kale looma baahna?
Waxyaabaha aan la yaabo waxa ka mid ah, 22 sano oo dhawdhaw ayeynu gooni isku taag
sheeganaynay, walina dawladeena iyo Warbaahinteena iyo dadkeenuba wali
caruurnimo ayaa inagu jirta, waxyabaha aad la yaabayso waxa mid ah nin
la yidhaahdo Yuusuf Garaad oo aanan anigu aqoon u lahayn ayaa Hargeysa
yimid, Alle ha u naxariistee saaxiibkii oo dhintey oo ahaa Abwaan
Gaariye oo cid wal oo Soomaali ahi u barooratey ayuu aaskiisa
yimid, waxaan Jaraa'idadeena ku arkay waxa iska taxtaxaashaya Magaalada
Hargeysa nin Madaxwayne isku sharaxay, oo Xabaalo ayaa maalin walba la
soo qodayaa. Waar adeerow ma cid aan la dilin ayaa jirta, Baroortan
Isaaq ee maalin walba joogta ee Xabaalaha la soo qodayo, Shan daqiiqo
dabadeedna la odhanayo Mujaahid miidhan ayaanu nahay oo Libaax miidhan
ayaanu nahay, waxa isku kay qabanwayday faanka Isaaq iyo ba'nay oo waa
nala dilay oo waa nala baabiiyey. Waxa aad dadkeena iyo dawladeenaba
moodaa inaanay si dhab ah u hadlaynin.
S: Sidaad u
aragtaa Go'aankii ka soo baxay shirkii golaha Wasiirada ee xukuumadu ku
faantey inay 70% halkeebaad adigu ka taagan tahay qiimayntaa dawladu ku
sheegatey inay balanqaadkoodii 30% uga hadhsan tahay?
J: Arimahaas ma jecli
inaan ka hadlo, laakiin degmadan aan hada joogo ee Xudun oo dalka ka
mid ah ayuun baan ka hadli karaa, midna ku darsoo waxan Hargeysa,
Berbera iyo Burco laga qabanayey Telefishanada waan ka arkayey. Mida
kale deegaankan aan joogo Iskuulkii Secondary-ga dayrkiisii Ingiriiskii
dhisay oo dunsan cid ii samaysa ma hayo, markaa anigu horumar aan ka
markhaati furi karaa ma jiro.