Calanka Ugaaslabe
NAM, 5 Oct 2012 (Alldhooftinle.com)

PART 1

Ina Xawar Muxuu Is Moodey! Miyuu Waashay! Muxuu Waqtiga Isaga Luminayaa! Ma Wuxuu Is Leeyahay Magac Iyo Sumcad Aad Ka Heshid Warsangeliga Uu Ka Dhashay Ee La Sheekeysta Jinka Iyo Xasadka, Xinka, Masayrka Iyo Xiqdiga!


Faysal Hawar Iyo Laasqoray

EEBBE inakama dhigo Qoom shakhsi aanay aqoon u lahayn ka been abuurta oo ku aakhiro seega, iyo kuwa qof ay yaqaanaan aan u soo ban bixin xaq siintiisa. Aamiin

Laga soo balaabo dhamaadkii 2010 waxaan maqlaynay dadaal dheeraada ah oo horumarineed oo uu wad wado nin dhalin yaro iyo aqoon yahan mandaqadeena ah, ninkaasi Waa Faysal Xaji Xawar oo ah nin aannaan mudo dheer is maqal waayahuna na kala balfiyey hase yeeshee aan si fiican oo qoto dheer u aqaano.

Wax aan macquul ahayn amaba khiyaali khiyaali oo kale ah ayey dad badani u arkeen Mashaariicda Faysal Xawar wado, sababtoo ah dee waxba kama yaqaaniin Faysal, haddeyse aqoon u lahaan laahaayeen iyagoo dad caadiya ah waxay garan lahaayeen inuu istaahilo in la garab galo ama la siiyo fursad.

Faysal waxa fursado siiyey dad aan Daarood iyo Dir toona ahayn, akhirkiina dadkaasi waa mahadiyeen wuxuu u qabtay. Wadanka Imaaraadka iyo Africa labaatan kii sanadood ee u danbeeyey xajmiga weyn ee ay le'eg yihiin waxyaabuhuu ka qabtay ayaa Mansha Allah waxay ina tusinaysaa in waxan uu ku hawlan yahay ee uu ka hadlayaa yihiin wax macquula uuna aqoontiisa ku cabiray soona qorsheeyey suurta gal nimadeeda. Haddii Allaah idmona ay fuli doonto.

Faysal Xawar, waxaa isugu kaayo horeeysay bilawgii tacliintiisa sare, annagoo bilawgii bishii June 1983 markii ugu horeeysay isugu nimid Safaaradii India ee magaalada Muqdisho, oo uu VISA ka qaadanayey; qolka soo dhoweeynta safaarada ayey ahayd meeshii laysku kaaya baray. Berigaa anigu waxaan fasax India uga soo qaatay Jacayl, si aan Soomaliya ugu soo guursado mid yaroo aan ka baqayey in laygaba boobo.

Markiiba waxaa iiga muuqatay Faysal Xawar firfircoonaan, furfurnaan, reer magaalnimo badan iyo nin dhaqanka Xamar iyo Maakhir ba leh inkastoo Faysal hadana ahaa nin aad u da'a yar oon filayo inaanu xataa labaatan jirsan xiligaa.

Intaan ardaynimada ku joognay India, Faysal Xawar oo reer Pune noqday xidhiidh fiican iyo is booqasho badan baan lahayn. Inkastuu da' yaraa waxuu markiiba noqday nin oday ah oo gurigiisa lagu soo hirto. Wuxuu noqday nin taag, taakulo iyo taloba loogu soo hagaago, waxaana taas marag ka ah dhammaan dhallintii reer Sanaag ee India waqtigaa joogtey.

Xaga tacliinta waxuu noqday ardayga keliya ee qaatay maado Jaamacadaha Maharashtra laga war wareego oo aan sidaa loogu dhicin waana maadada Statistics and Operations Research oo ilaa post graduate uu ku sameeyey aanna filayo inay sabab u tahay guulaha danbe ee shaqo ee uu hantay.

Waxaan xusuustaa in maadadaa wax badan Faysal laga abhiyey oo lagala dardaarmay Faysal inaanu waqti iskaga lumin oo tacab khasaareeyn reerkiisa madaama ay arday badan oo mandaqadeenna ahi sanad iyo labbo ba ku lumiyeen markay ka bixi waayeena ay noqotay inay dib u balaabaan maadooyin kaleeto oo ka fud fudud. Faysal oo malaa is hubay aana filayo inuu waxba waxa uu ka adag yahay isku qaado oon ka waaban dheg uma dhigin waana ka diiday talooyinkii isagoo kaga dhabeeyey inuu ku guuleeysto ilaa Master's Degree.

Mar labaad, ayaan hadana Faysal is helay, isagoo bilawgii 1990 Imaaraadka shaqo u soo doontay, iiguna yimid Imaarada Sharjah anoo markaa halkaas ka shaqayn jiray, habeen walbana aanu isu imaan jiray anagoo markaa Kacaanka IT ama Computers oo markaa cusbaa aanu jaal ku wada ahayn, xaga IT Programmingka oon aan saaxiibo ku ahaynna wax aad u badan ka wada qaban jirnay.

Tala wadaag fara badan iyo sanado badan, haasaawe aan turxaan lahayn, iska waraysi shaqooyinka iyo khibrada iyo waxa nin walba ku cusub shaqada, hawlaha bulsho wax badan oo saaxiibtinimo iyo ehel nimo ah baan wadaagnay Faysal sannadihii 1990s.

Mar saddexaad baan Abu Dhabi u wada guurnay oo jaal, jiiraan iyo ehel ku wada noqonay, halkaasna waxaan ku arkay koritaankii xawliga lahayd ee Faysal shaqadiisii Engineeringka ahayd, taasoo keentay inuu ka mid noqday dadka fara ku tiriska ah ee wadanka Imaaraadka loo aaneeyo si official ahna loogu sharfo kacaankii GSM mobile ka ee UAE 1994, taasoo u keentay Faysal kobac maskaxeed iyo sharaf badan oo ku yeesho shaqada.

Waxaa kaloo sida aan reer Imaaraad ahaan wada ogsoonahay miiskiisa shaqo ama desk-giisa ka ulkamay oo uu isagu bud dhige u ahaa labada shirkadood ee hadda waaweynaadey ee UAE CONTACT CENTRE iyo EBTIKAR oo labaduba ah shirkado ka samaysmay miiska Faysal ee Shirkada Teleefonada kuwaaso dad mandaqadeena ahina ka shaqayn jireen.

Haddaan xusuustaydu i qaldeyn, boqortooyada reer Abu Dhabi baan filayaa inay dalbatay Faysal inuu ka qayb qaato dhisida Banka Islaamka ee Aduunka ugu Raasamaalka badan, waa Abu Dhabi Islamic Bank, kaasoo uu hadana bud dhige ama founder u noqday. Taas ayaana ahayd shirkadii afraad ee Faysal aasaase ka noqdo sharaf iyo khibrad badanna ka helo 1998 xiligaas oon deris ahayn, wax badan baan markaanu waqti isu helo ka sheekeeysan jiray duruufaha iyo siyaasadaha adag ee shaqadaa cusub iyo dadka ay is hayaan Faysal "office politics".

Waxaa Faysal hadana u yeedhatay saan xusuusto dawlada Imaaradka inuu Thuraya Sattelite aas aase ama founder ka noqdo mar shanaad 1999, mashruucaas oo ahaa mid ilaa 3 Billion oo doolar ku kacay Faysalna ahaa raggii ugu cad cadaa fulintiisa ee loo dalbaday.

Waxaa iigu war danbeeysay isagoo shirkada teleefonada ee Imaaaraadka labaataneeyo wadan oo Africa ka mid ahaa dadkii wax ka geeyey, isla markaana soo dhisay shirkadahaa oo wadamada africa ah soo wada kiciyey.

Waxaa igu maqaala ah, inkastoon kala xiriir furanay, in Faysal Xawar hadana uu CIO ka noqday Etisalat Tanzania oo uu halkaa u guuray, iyadoo shirkadaasi ahayd mid loo maara waayey, deetana loo diray Faysal inuu soo fadhiisiyo.

Faysal Xawar oon markaan akhristoow u kuur galo oo aan wax badan aqaanay, sheeko wadaag hoosena lahayn, ahaynna dad aad iyo aad isaga waraysta xaga caqabadaha shaqo iyo duruufaha kaleeto intaanu jeeska iyo jaalka ahayn sanadii 90meeyadii, waxaan oran karaa FAYSAL WAA WASTAAD HORUMARINEED oo RUUG CADDAA AH.

Inaggu, Reer Maakhirow, maynu ducada u badino oo Masayrka, Xaasidnimada, Buqno gooynta, iyo Mucaaradnimada reer laasqoray ragaadisey ka deyno ina Xawar, mar haduu yiri' "LAASQORAY oo cidla ciirsi-la' ah oo aan ka haajirnay beri hore baan Deked iyo Magaalo ka dhisayaa".

Sow iney Reer Maakhir dib u milicsadaan maaha khibradiisa shaqo oo ugu yaraan intaan ogahay 26-27 Company oo kala duwan uu wax ka soo bud dhigay, mid walbana uu ka balaabay zero.

Bal Reer Maakhirow bilawgii mashruucaba waxaad bilawdeen sida caadadu idiin ahayd wax-isu-quudhi-waa, nin rag ah boqna gooyntiisa, iyo xassad iyo xiqdi fara badan.

Waxaad arkaysa dad ama mashruucaba diidan ama sida dhaqanka Maakhiriga ah diidan shaqsiyada Faysal, xasad iyo xin midkey doontaba ha ka noqotee. Waxay bulshada ugu sheekeeyaan been ay ka buuxdo aqoon daro iyo jahli guuxayaa. Taasina waxay inta badan keentaa inaan had iyo jeer goobaha bulshadu isugu timaado ka difaaco Faysal, anoo mar walba iraahda war midkiina ma yaqaan Faysal? Ma aragteen weligiin, sheeko wadaag ma noqoteen, iwm?

Waxaad ka warrantaan Reer Maakhirow hadduu mashruucaa Faysal ula tegi lahaa Isaaq ama Majeerteen! Markaasna waxaynu ku waalan lahayn, hayaayay muxuu mandaqaddeena u dhaafiyey.

Bal ma maqasheen waxyaabaha ay ku hadlaan ama website yada ku soo qoraan ama kuba khudbadeeyaan kuwa isbuufiya ee Cirfiidyada iyo jimanka la sheekeystaa?

Kuwa nolosha ka dhacay ee Naaqiska ah iyo kuwa caqliga waxaraha lihi waxay yiraahdaan:

1- Maraakiibtu Dahab iyo Dhayman bay guranayaan, iyadoo la leeyahay waxaa tuubadoodu gaadhaa ilaa Marsada Dhooftinle.

2- Sun bay ku aasaayaan oo dekeda asaaskeeda ku ridayaan.

3- Maadada RED MERCURY oo aduunka laga waayey ayay biyaha badeena ka qodanayaan.

4- Waa maafiyo .

5- Hada waxay qolyahaa Xassadku caqligooda ragaadiyey inaka dhaadhicinayaan oo weliba indha adaygooda websiteyada ku soo qorayaan inaanay shirkadu awood iyo aqoon dekedeed midna lahayn, iyagoo si ducfi iyo xaasidnimo ah ka boodboodaya pageska shirkada ee ka sheekeeynaya khibradaha ay u leedahay shirkaddaasi Dhismaha Dekedaha.



Ayanle Maxamuud (Ugaaslabe/Bani Jacfar)
holhol-mayor@hotmail.com


AllDhooftinle.com