Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Dhaantada Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Dhaanto)
Calanka Ugaaslabe
Gabayga Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Poem)

USA, 8 Mar 2015 (Alldhooftinle.com)
Edebdarada Intaa Le'eg Ee Ragga Lala Doonanayo Bal Eega. Waxa Kavin Xabsiga Loogu Taxaabay Waxay Ahayd Shaqadiisii Oo Uu Ku Soo Kalahay!

Nin madow ah oo la yiraahdo Kevin McGill ayaa lagu xulumay bil xadhig ah, ka dib markuu kusoo kalahay oo xili hore bilaabay shaqadii uu ka shaqaynayey. Ninkan oo keligii shaqada qaban jirey ayaa doorbiday inuu hore u bilaabo si uu hore ugu dhameeyo, ka dibna reerkiisa ugu adeego, laakiin nasiib daro taasi waxay dhaxal siisay in la xidho isla markaana maxkamdii ku xukunto bil xadhig ah iyo kun doolar oo ganaax ah.

Ninkan oo wada baabuurta qashinka qaada magaalada Sandy Springs oo Atlanta duleedkeeda ku taala waxaa dhibaatadiisu bilaabatay markii qof degan xaafada uu qashinka ka qaadayey wacay booliiska una sheegay in qashinlihii soo kalahay qashinkana qaadayo 5tii subaxnimo, taasina ay keentay in booliis degdeg u yimaado, Kevin la qabto gaadhigiina laga jiido meesha markii direewal loo waayey.

Magaalada Sandy Springs waxaa degan dad lacag leh, qofka ugu yar dadka magaalada degan waxaa soo gala sanadkii 205,000 doolar sanadkii, sidaa darteed wax kasta waxaa maamula dad lacag leh. Magaaladan waxaa laga mamnuucay in qashinka laga qaado ka hor 7 subaxnimo waayo lama ogola in dadka lacagta leh laga kharibo hurdada. Ninkan oo ah xaasle laba caruura dhalay ayaa sheegay inuu doortay in la xidho sabtida iyo axada si uu shanta maalmood ee kale u shaqaysto, wuxuu kaloo sheegay inaanu awoodin inuu looyar qabsado.

"Waxaan arki jirey dad shaqooyinkooda ku waaya daahid ay soo daaheen, laakiin anigu markii aan hore u bilaabay shaqada waxaa laysugu kay daray xadhig, ganaax iyo shaqadii oo layga eryey" ayuu yiri Kevin oo la yaabanaa maqaadiirta heshay.


Yaasiin Maxamuud Bin Jacfar AlMakhzuumi

webmaster@alldhooftinle.com