Dhaantada Calanka Ugaaslabe
Dhaantada Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Dhaanto)
Calanka Ugaaslabe
Gabayga Calanka Ugaaslabe
(Bani-Jacfarland National Poem)

Dhab-qaw (Sanaag), 22 Feb 2015 (Alldhooftinle.com)
Daayeer Daaxuur Ah Oo La Yiraahdo Chunmen Oo U Nool Sida Tijaarta Ayaa Weliba Dhaxli Doona Xoolaha Laba Looyar.

Nin iyo naag is qaba oo Hindi ah ayaa ku dardaarmay inuu dhaxlayo daayeerkooda oo la yiraahdo Chunmen. Ninka oo la yiraahda Brajesh iyo naagtiisa Shabista Srivastava ayaa go'aankooda ku soo saxiixay maxkamada gobolka Uter Pradesh.

Qoyskan go'aanka ku gaadhay inay ehelkooda ka xarimaan dhaxalkooda ayaa sheegay in maadaama aanay caruur dhalin ay daayeerka u doorteen inuu dhaxlo, haduu dhinto daayeerkuna lacagta soo hadha la siiyo daayeerada Hindiya.

Cadhada reerkan ayaa ka bilaabatay markii qoysaskoodu ay isu diideen isla markaana ninka qoyskiisa oo Hindu ah iyo qoyska haweeneyda oo Muslim ahi, ay gooyeen oo xidhiidhka u jareen qoyska cusub ee is guursaday. Haweeneyda oo qoyskeedu Muslim yihiin waxay sheegeen inay xadki ka gudubtay markii ay diinlaawe guursatay, iyadoo qoyska uu ninku ka dhashay oo Hindu ahina ku doodeen inaanu geyin naagta uu guursaday.

Ninkan iyo naagta is qaba oo labaduba looyaro ah kuna jira da'dii afartameeyada ayaa daayeerkan toban jirka soo iibsaday, daayeerkan oo qolkiisu qaboojiye iyo kuleyliye leeyahay waxaa cuntada looga keena makhaayada ugu wanaagsan magaalada. Waxaa kale oo daayeerkan ay u sameeyeen dhakhtar u khaas ah, kaasoo sheegay in daayeerkan hadii aan dhibaato kale helin uu noolaan karo ilaa 30 sano oo kale.

Mr. Brajesh ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in daayeerku dhaxlo haduu ka danbeeyo, isla markaana uu hubiyey inaan labadooda qoys mid shaarubaha saarin hantida ay ka tagaan.


Shanfara Azadi Bin Jacfar AlMakhzuumi
shanfara@alldhooftinle.com