Calanka Ugaaslabe
Aus, 13 Nov 2012 (Alldhooftinle.com)
Daa'uud Bilaal (David Phill) waa Australian muslimay. 13 bilood markuu muslimka ahaa ayuu dembaabey, dabadeed wadaado ayaa intey la tageen gurigiisii ku fuliyey Shareecaddii.
Auburn Gallipoli Mosque, Sydney

Dunidan aynu ku noolahay maalin walba dhacdooyin cusub baad maqlaysaa kuwaas oo dhamaantood ka kala dhaca dunida daafaheeda, maantana waxaan idiin soo gudbinayaa sheeko gaaban oo aad beryahan danbe Xasaasi ku noqatay Magaalagda Sydney.

Waxuu ahaa Nin la Oran jiray David Phill oo da'diisu u dhexaysay 50 sano ilaa 55 sano oo u dhashay wadanka Australia deganaana Magaalada Sydney Xaafada Auburn oo Muslimiintu aad ugu badan yihiin Soomaaliduna Kaalin aad u muuqata ka degaan, ninkan ayaa sida la sheegay inuu deraasaad arimaha diinta ah ku bartay jaamacad ku taal Magaalada Sydney waxuu go'aansaday inuu soo galo Diinta Muslimka maadaama uu xirfad Diin ahaaneed yaqaanay oo weliba ay deriskiisa oo dhami ahaayeen dad Muslimiin ah oo kala yimid Wadamada debeda ka ah Australia sida Turkish,Carab, iyo Afrikaan iyo weliba Aasiyaan.

David Phill waxaa uu isagoo go'aankiisa wata soo gaadhay Musaajid Ku yaala Xaafada Auburn oo lagu magacaabo Abu-Hurayra kaas oo ay haystaan masuuliyadiisa Niman Carab ah oo u dhashay Wadamada Lubnaan,Jordan oo iyagu ku dhashay wadanka Austaralia si kastaba ha ahaatee waxaa ninkii loo qabaty Ashahaada markuu codsaday inuu rabo inuu Rumeeyo Alahii xaqa ahaa iyo Nebigiisii maxamed CSW , Waxaana laga bedelay magaciisii oo loo bixiyey Daauud Bilaal ka dib mudo 13 Bilood ka dib ah oo ninkii Daa'uud ahaa uu Kutub badan bartay deedna ay u kala cadaaday xaqa iyo baadilku ayuu maalin maalmaha ka mid ah waxuu la cabay Qamri Gabadh ay aad isu jeclaayeen waqtigii uu Gaalka ahaa iyagoo habeenkaas isla qaatay waqti aad u wanaagsan iyo Waayo Waayo oo ay aaad uga sheekaysteen.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa Daa'uud Bilaal waxuu u yimid Madaxii Musaajidka abu-Hurayra isagoo weydiiyey Shareecada islaamku waxay igu Xukumayso si denbigaas aan galay ilaahay iiga saamaxo waxay ugu jawaabeen shareecadu waxay tahay in ninkii Qamri caba la Jildaado oo weliba 80 jeedal lagu dhifto, deedna intuu soo booday ayuu yiri dee hadeerba diyaar baan ahaye soo qaata Jeedakiina ilana dhaca uun ilaa inta aad denbiga iga jaraysaan, laakiinse ninamkii dhalinyarada ahaa ee Abu-Hurayra kama ay yeelin inay Musaajidka dhexdiisa ku fuliyaan Shareeco Law laakin waxay u sheegeen inay Habeen danbe ugu imanayaan gurigiisa si ay ugu fuliyaan Shareeclo Law.

Si kastaba hawli ha ahaatee Wadaadadii Musaajidku waxay ninkii Daa'uud ahaa ku fuliyeen Shareeco Law iyagoo jooga Sydney deedna ninkii markii jeedalkii u dhamaaday oo dhabarkii casaaday ayey sariirtii ay ku xidheen inta ay ka fureen saliido iyo dawooyin kale oo cream u badan mariyeen dhabarkiisii si ay nabaradu uga ba'aan,markii ay ka tageena waxuu garaacay ciidanka Policka una sheegay in niman Wadaado ahi ay ku fuliyeen Shareeco Law xaaladiisuna ay aad u liidato, markay Policku yimaadeen gurigiisa waxay arkeen dhabarkiisa oo mudhxay laga soo bilaabo Qoorta ilaa Badhida dusheeda.

Daauud waxaa loola cararay Cusbitaalka Xaafada oo in mudo ah lagu dawaynaayey nimankii wadaada ahaana ninkii masuulka ahaa waxa lagu xukumay 2 sano oo xadhig ah, ilaa hada weriyayaal baad ku arkaysaa musaajidka agagaarkiisa, iyo weliba kamarado badan oo lagu xidhay Musaajidka Gudahiisa. kamaradahaa waxa Xeryaha Policeka lagaga daawadaa dhammaan dadka gala iyo kuwa khudbadaha ka akhriyaba.

Dhanka kale ninkii Daa'uud ayaa la sheegaa inuu Dowlada weeydiisatay Lacag Magdhow ah oo ku dhow ilaa Malaayiin Dolar maadaama aanu dib u shaqaysan karayn oo dhabarkii isku darsamay.

Ugu danbeyntii Daauud Bilaal inuu markiisii hore ugu soo tala galay inuu sheekadan sameeyo iyo inay la gashay ayaan weli kala cadayn, inkastoo saaxiibadiis weli sheegayaan inuu weli haysto diinta Islaamka oo ku dhegan yahay Tawxiidka Alleh.

Burhaan Aljacfari
burhan@alldhooftinle.com



AllDhooftinle.com