Waxa loo baahan yahay 270 dhibcood inuu ninka madaxweynuha noqonayaa helo. Hadii ay sidaa dhacdo waa sida Jamhuuriyiintu rabaane waxaa arinta loo celinayaa Kongareeska oo dooranaya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Aqalka Hoose wuxuu dooran doonaa madaxweynaha sidaa darteed madaama ay jamhuuriyiintu aqlabiyad ku leeyihiin shaki kuma jiro inay Romney dooran doonaan. Aqalka Senedka ayaa isna awood u leh inuu soo doorto madaxweyne ku xigeenka, sidaa darteed Dimoqraadiga oo u badan aqalkaas waxay iyaguna u codayn doonaan Biden. Sidaasna waxa ku imaan karta dowlad ay Romney iyo Biden madax ka yihiin.
Hadii ay sidaa u dhacdo waxaa guuldarada ugu weyni ku dhacaysaa Obama oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey ee Kongresku kursiga doorasho kaga ridaan. Waxaa kale oo jab weyni ku dhici doonaa Paul Ryan oo Romney ku xigeenkiisa ah.
Obama wuxuu ku dadaalayaa inaanay taas iyo wax u dhow midna dhicin. Bishan bilowgeedii ayay ahayd markii uu iska soo joogsaday goobtii uu kula doodayey Romney isagoo aan waxba soo diyaarsan. Sababtana waxa lagu sheegaa inuu aaminsanaa dhibyaraan inuu kaga guulaysan doono Romney. Laakiin guuldaradii habeenkaas uu kala kulmay doodaas ayaa hada fadhigii ka kicisay. Wuxuuna xaqiiqsaday inay Virginia iyo Florida farihiisa ka bexeen, hadana lagu dhow yahay in Ohio lagala wareego. Inkastoo uu doodihii danbe ku guuleeystay hadana dad badan ayaa dhinaca kale ka soo jeestay.
Hadaba iyadoo la wada sugayo 6da Nofembar ayaa Labada Xisbiba waxay wadnaha farta ugu hayaan waxa ka soo bixi doona doorashadii ugu qaalisanayd ee abid soo marta Maraykanka taasoo qolo walba urursatay hal bilyan oo doolar. taasina ay kharaska doorashadan ka dhigtay 2 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.