Beesha Reer Faatax ee Bah Majeerteen ee Garaad Cabdalle ayaa qabsatay shir weyne ay dad badani kaga soo qayb galeen Telefoonka. Dadkaas oo kala joogay Qaaradaha Waqooyiga Amerika, Yurub iyo Asia.
Shirkan oo socday saacado badan, ayna ka soo qayb galeen wax garad iyo Aqoonyahano aad u badan ayaa waxa ka soo baxay Dhowr qodob. qodabadaas waxaa ka mid ah:
1- Beesha Reer Faatax waxay si buuxda u taageerayaan dhamaan mashaariicda ka socota degaanada Maakhir, gaar ahaan dhisida Dekeda Laasqorey oo noqonaysa mid ay ka faaiidaysan doonaan Bulshada degaanka iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed.
2- Beeshu waxay u digayaan cid ala cidii ka hor timaada mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.
3- Beesha waxey uga digayaan iney Somaliland carqaladeeso ama iney soo farageliso horumarka ka socda Maakhir, gaar ahaan Laasqoray, iyo in aan la isku hubeen beelaha Warsengali, taasoo aan cidna faa'iido ugu jirin.
4- Beesha waxey ugu baaqaysaa madax dhaqameedyada, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, ururada bulshada, iyo Culamada ee deegaanada Maakhir iney u midoobaan horumarka iyo nabadgalyada ka jrta Maakhir, iskana ilaaliyaan khilaaf dhexdooda ah.
5- Beesha waxey suldaanka Warsengali, Suldaan Siciid Suldaan Cabdi sallaan, ka codsanayaan inuu soo da dajiyo shirka wada tashiga ee beelaha Warsangeli.
Gudiga howshan soo qabanqaabiyay waxaa ka mid ah:
-
Gaashaanle sare Maxamed Cabdi Qaac
-
Engineer Ahmed Saalax Dhoodi
-
Dr. Saalax Ahmed Faatax
-
Engineer Jaamac Maxamed Cabdi
-
Aqoonyahan Maxamed Bulxan
-
Ganacsade Cismaan Ducaale Jibriil
-
Dr. Yaasiin Sharmaarke Maxamed Xaaji iyo
-
Shiikh Cabdi sallaam Maxamed Cali