Calanka Ugaaslabe
Muqdisho, 1 Nov 2012 (AllDhooftinle.com)
Waaba Ceel Dheer Tag Oo Col Hakugu Googooyo. In Ka Badan 2700 Askari Ayaa Ugaandha Kaga Dhimatay Soomaaliya.
Askarta Ugaandha EE Muqdisho Ku Dhimata
Askarta Ugaandha EE Muqdisho Ku Dhimata

Tirada askarta Midowga Afrikaanka ah ee ku dhimatay Soomaaliya, sida askarta Ugaandha ayaa inta badan waxay tahay arrin SIR CULUS Ah, laakiinse nin ka mid ah madaxda sare ee dalka Kenya ayaa sheegay iney ilaa iyo iminka 2700 ka badan yihiin askarta Ugaandha oo keliya kaga dhimatay Soomaaliya.

Richard Onyoka, oo ka mid ah madaxda ugu sarreysa Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalka Kenya ayaa maalintii Arbacada wuxuu ka sheegay Gole Balaadhan iney Askarta Ugaandha ee ku dhimatay Soomaaliya ka badan tahay 2700 ilaa iyo waqtigii ay Ugaandha ciidanka Soomaliya u soo dirtay, sanadkii 2007.

Arrintaa ilaa iyo imminka AMISOM iyo Dawladda ugaandha midna kama jawaabin hadalkaa Richard Onyoka.

Waddamada ka dagaalama Soomaliya iyo AMISOM ayaan sideedaba ogoleyn iney marnaba ka hadlaan dhaawaca iyo dhimashada ka soo gaadha Soomaaliya dagaalada ka socda.


Saalix Aljacfari
saalix@alldhooftinle.com


AllDhooftinle.com